Magaalada Kismaayo oo siweyn looga ciiday
Arbaco, July 06, 2016 (HOL) — Guud ahaan muslimiinta caalamka waxa ay maanta u dabaaldegayaan munaasibadda ciidda barakeeysan ee ciidul fitriga, taasoo magaalooyinka sida weyn looga xusay ee Soomaaliya ay kamid tahay magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka J/hoose.
Kumannaan qof ayaa salaadda ciidda ku oogay fagaareyaal kala duwan oo ku yaal Kismaayo, waxaana meelaha sida weyn la isugu soo baxay kamid ah garoonka kubadda cagta Waamo ee magaalada Kismaayo, Maxfalka ku yaal xaafadda Farjanno iyo qaar kamid ah masaajidda waaweyn ee magaalada.
Sidoo kale madaxweeynaha Jubaland, xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale ayaa salaadda ku tukaday xarunta Madaxtooyada Jubaland ee magaalada Kismaayo.
Saaka ayay magaalada ku waabariisatay jawi farxadeed, ayadoo fagaareyaasha lagu oogayay salaadda iyo masaajidda magaalada laga maqlayay dhawaqa takbiirta lagu weeyneeynayo Eebbe.
Garoonka kubadda cagta degmada Kismaayo ayaa waxaa khudbado kala duwan oo isugu jiray hambalyo iyo ku boorinta shacabka dhinacyada adkeynta nabadgelyada iyo horumarka ka jeediyay masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere.
Guud ahaan muslimiinta caalamka ayaa u dabaaldegaya ciidul Fitriga, ayadoo ay tahay maalin gaar u ah dadka Muslimka ah oo ay kusoo dhaweeyaan farxad iyo reynreyn.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Warbixin: Sida looga ciiday magaalada Muqdisho
- Warbixin Sida maanta looga Ciiday magaalada Melbourne, Ausralia
- MAREYKANKA: Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia oo maanta si weyn looga ciiday (Sawiro)
- SAWIRRO: Xaafada Daarus-salaam ee Muqdisho oo Maanta Shacab fara badani ay ku Ciideen
- Madaxweynaha oo Taliska Asluubta ku Amaanay soo Nooleynta Adeegyada Bulshada (SAWIRRO)
- SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo Maanta Boqollaal Dadweyne ah kula Tukaday Gaalkacyo
- SAWIRRO: Muslimiinta Dalka Koonfur Afrika oo Maanta la Ciiday Muslimiinta kale ee Caalamka
- WARBIXIN: Lahaanshaha Dhulka oo Muhiim u ah Deggenaashaha Guud ee Dalka Soomaaliya
- SAWIRO: Munaasabada Ciidul-fidriga oo Maanta laga Xusay Magaalooyinka Dalka Switzerland
- Ciidda oo Maanta looga Dabaal-dagay Magaalada Cadaado oo ah Caasimada KMG ee ah Galmudug
- Magaalada Hargeysa iyo Guud ahaan Somaliland oo Maanta si weyn looga xusay Ciida (SAWIRRO)
- Orodyahanka Koonfur Afrika ee Oscar Pistorius oo Maxkamadi ay 6-sano oo xabsi ah ku xukuntay
- Magaalada Beledweyne oo Maanta looga Dabaal-dagay Munaasabadda Ciidul-fidriga [SAWIRRO]
- Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia oo u diray Muslimiinta Hambalyo ku Aaddan Ciidul-fidriga
- Sidii Looga Ciiday Xaafada Islii ee Nairobi Kenya
- COMEY: Ma ahan in lagu dacweeyo Musharraxad Hillary Clinton E-mailadii ay horay u adeegsatay
- Guddi British ah oo Maanta baahinaya Warbixin ku saabsan ka qayb-galkii UK ee dagaalkii Ciraaq
- Mas'uuliyiinta Somalia oo shacabka kula tukaday Salaaddii Ciidda Masjidka Isbahaysiga Islaamka