4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2016
SOMALILAND: Saddex qof oo saaka qisaas lagula fuliyay deegaanka Mandheere ee Gobolka Saaxil


Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Saddex ruux oo lagu eedeeyey inay geysteen dilal, ayaa maanta lagu qiyaasay deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil ka dib markii maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

Saddexdaan ruux ayaa waxaa ku jiray laba qof oo is dhalay  wiil iyo Hooyaddii, kuwaasoo dhowaan haweenay magaceedda la odhan jiray Ruqiya Siciid Ayaanle nolosha ku Duugey, isla markaana Guri dhex dii lagu dhex aasay,  waxaanay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, waxaana saaka lagu fuliyey haweenaydan iyo inankeeddu  qisaas, madaama oo si wada jir ah u dileen gabadhaasi.

Ciidamada Ammaanka ayaa saaka goob Fagaare ah oo ay joogeen eheladda Ruqiya Siciid Ayaanle oo uu ku toogtay deegaanka Mandheera ee Gobolka Saaxil. sida uu Warbaahinta qaar u xaqiijiyay xoghayaha guud ee golaha Wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ay walaalo yihiin marxuumad Ruqiya siciid Ayaanle .

Sidoo kale, Nin ka saddexaad ee la dilay ayaa isagana loo haystay dil uu u geystay sarkaal ciidammo ka tirsan oo uu dhawaan toogtay, waxayna isku noqonayaa dadka saaka qiyaasta lagu fuliyay saddex ruux.

Haweenayda maanta la dilay ayaa gurigeeda ku aastay marxuumad la sheegay in ay deyn ku lahayd, waxaana falkaas ku lug yeeshay ubad ay dhashay, iyadoo saddex caruurteeda ka mid ahi lagu helay dambiyo kala duwan oo dilka haweenayda ah. Wuxuu ahaa fal si weyn looga argagaxay islamarkaana ahaa mid fool xun oo bulshada fajac galiyay.

Ugu dambeyntii, Maalmo ka hor ayaa iyaguna sidaan oo kale Qisaas lagu toogtay Afar qof, waxayna isku noqonayaa toddoba qof oo todobaad gudihii lagu fuliyo xukunka Islaamka ee ah in qofkii qof dila isna la dilo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland