3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2016
Al-shabaab oo sheegtay inay Nolosha ku Qabatay 12 Askari oo ka Tirsan Ciidamada KDF-ta Kenya


Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegay inay Nolosha ku qabatay 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Millateriga Kenyan ah, kuwaasoo ay sheegtay inay ku qabatay weerarkii ay ku qaaday saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde.

Xarakada Al-shabaab ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tirade dhimashada ciidanka Kenya ay gaartay100Askari, inkastoo aysan weli xukuumadda Kenya si rasmi ah u shaacin tirada ciidamada looga dilay weerarkii saldhgga deegaanka Ceel-cade ee gobolka Gedo.

“Weerarkii saldhigga Ceel-cadde ee Jimcihi dhacay waxaan ku qabannay 12-askari oo nool oo ka tiran ciidamada millateriga Kenya. Tirada ka dhimashada Askarta Ciidanka Kenyana waxay gaartay 100 Askari,” ayaa lagu yiri bayaanka, waxayna kooxdu xustay in dagaalkan uu ahaa mid kii ugu khasaaraha badnaa ee ay u geystaan ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen Guutada - Saalax Nabhaan uuna howlgalkaas ahaa mid si guul leh kusoo dhammaaday, laakiin ma sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Dhanka kale, goob-joogayaal ku sugan deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ayaa iyana dhankooda warbaahinta u sheegay inay arkeen Maydadka Ciidammo dhinacyadii Dagaalku dhex-maray, kuwaasoo qaarkood yaallay afaafka saldhigga la weeraray.

Ugu dabmeyn, Hadalkaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay Al-shabaab ku sheegato inay ku hayso gacanta maxaabiis ka tirsan ciidamada millateriga Kenya ee ay ku weerareen deegaanka Ceel-cadde.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/17/2016 9:16 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Waxaa maanta soo gabagaboobay shirweeynihii qaran ee looga tashanayay aayaha Soomaaliya, kaa oo ay kasoo qeybgaleen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

1/17/2016 8:52 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka Qayb-galay munaasibad lagu Taageerayay Barnaamijka Aada Dugsiyada (Go to School), taasoo lagu qabtay Daljirka Dahsoon.

1/17/2016 8:18 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Saddex ruux oo lagu eedeeyey inay geysteen dilal, ayaa maanta lagu qiyaasay deegaanka Mandheera ee gobolka Saaxil ka dib markii maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.

1/17/2016 7:18 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Tiro ka mid ah ciidammada Kenya ee lagu dhaawacay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Jimcihii hore saldhigga AMISOM ee deegaanka Ceel-cadde ayaa maanta la gaarsiiyay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

1/17/2016 5:58 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Xukuumadda Burkina Faso ayaa shaacisay in lagu dilay 28-qof oo ay ku jiraan ajaanib weerarkii lagu qaaday Jimcihii Hoteel Splendid oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou.

1/17/2016 4:59 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Guriga martida Magaalada Kismaayo oo ku yaalla Aga-gaarka Dekedda Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya Shirkii madasha Wada-tashiga Qaran ee looga arinsanayay aayaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka sanaddan ka dhici doona Soomaaliya.

1/17/2016 3:17 AM EST
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) —Cunaqabateyntii caalamiga ahayd ee saarnayd dalka Iran ayaa laga qaaday kadib markii hay'adda quwada atoomikada ee Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen in Iran ay meelmarisay heshiis ujeedkiisu ahaaa in looga hortago in ay kobciso hubka Nuclear-ka.