4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2016
Shirkii Wada-tashiga ee Kismaayo oo la isku mari la'yahay iyo Wadahadallo Madaxda u Socda


Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) — Guriga martida Magaalada Kismaayo oo ku yaalla Aga-gaarka Dekedda Kismaayo ayaa waxaa ka soconaya Shirkii madasha Wada-tashiga Qaran ee looga arinsanayay aayaha Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka sanaddan ka dhici doona Soomaaliya.

Shirkan oo ay dibad-joog ka ahayd QM iyo Beesha Caalamka ayay madaxda Soomaaliyeed waxay si weyn uga doodeen qodobada ay isku hayeen ee ahaa in doorashooyinka Sanadkan dhici doona lagu saleeyo nidaamka 4.5 iyo in lagu saleeyo hab deegaan.

Shabakadda HOL oo xiriiro badan sameeysay ayaa waxaa naloo xaqiijiyay in shirku Qarka u saaranyahay fashil kadib markii madaxda dalka ay ku kala adkeysteen mowqifyadii ay ka kala taagnaayeen arimaha siyaasadeed ee ay isku hayeen.

Qodobada lagu muransan yahay ayaa waxaa ka mid ah habka lagu saleeynayo doorashada, tirada ay noqonayaan golaha sare ee Senate-ka & weliba in waqti kordhin laba sano ah loo sameeyo madaxweeynaha dalka.

Beesha Caalamka ayaa madaxda Soomaaliyeed ku cadaadineeysa inaysan shirkaan ku kala tagin; iyagoo aan go'aan gaarin, Waxaana macquul ah in Shirkaasi ay ku biiraan Xubno ka socda wadamada midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid ayaa laga yaabaa in maanta gelinkii dambe uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haya shirka ka socda Kismaayo, kaa oo Madaxda Soomaaliyeed laga filayo inay isku tanaasulaan isla markaana xal ka gaaraan ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya