4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 16, 2016
SAWIRO: Shir looga hadlay horumarka dhaqaale ee Somalia oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho


Talaado, Feberaayo 16, 2016 (HOL) — Shir looga Hadlayay Horumarinta iyo Dib-dhiska Kaabayaasha Dhaqaale ee Somalia oo shalay lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa khudbad halka ay marayaan qorshayaasha horu-marineed ee ka socda Somaliya ka jeediyay RW ku Xigeenka XF Somalia, Maxamed Cumar Carte.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka socda maamul goboleedyada dalka sida; Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Banaadir, waxa kaloo joogay ahaa Xubnaha Golaha Wasiiradda ee ku jira SDRF-ka, Baarlamaanka, Hay’adaha UN, EU, iyo World Bank.

RW ku Xigeenka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhismaha maamul-goboleedyada Waddanka ka jira, gaar ahaan sida Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan oo hadda gacanta lagu hayo, taasoo uu xusay inay saldhig u yihiin dhamaystirka maamul goboleedyada, Siyaasadda Dowladda federaalku waxay keentay in ay ku kulmaan Magaalada Muqdisho Mas;uuliyiinta Somalia iyo Hoggaamiyeyaashe Gobollada, kaasoo ka dhacay Muqdisho Jannaayo 10-16, si go’aan looga gaadho qaabka doorasho ee dalku qaadan lahaa sanadka 2016.

Waxaanu soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay kulankaasi si gaarana wuxuu uga hadlay muhiimada kootada haweenka ee boqolkiiba soddonka (30%) ahi ay u leedahay dhismaha qaranka iyo sawirka guud dimuqraadiyada dalka.

Sidoo kale, Carte ayaa ifiyay dib-u-eegista Dastuurka Qaranka isagoo tixraacaya qaraarkii Baarlamaanka ee 27-kii July 2015, Taasoo Dawladda Federaalku ay Horu-mar ka gaadhay dhinaca dib-u-eegista iyo horu-marinta Dastuurka Federaalka Somalia, sidoo kale, Wuxuu caddeeyey u kuur galida Dhinaca Cadaaladda iyo hawlaha wax ku oolka ah ee laga qabtay si loo adkeeyo awood siinta qaab dhismeedka Cadaaladda iyo xoojinta sharciga.

Mudane Carte wuxuu madasha si cad uga sheegay inuu diyaar yahay qabyo-qoraalkii ugu danbeeyay ee Siyaasadda Amniga Qaranka (NSP) waxana uu sheegay in qoridda NSP-gu ay qiimo ugu fadhiyo hagidda go’aaminta qaran ee dalka iyo ficilada nidaamka dawliga ah, waxa kale oo dawladu dhawaan horumar wax ku ool ah ka gaadhay Amaanka iyo Ilaalinta Xeebaha Badda Soomaaliyeed, taas oo guddi wasiiro ah loo aas-aasay si loo dhaqan galiyo hawl-galka amaanka Xeebaha Badda Soomaaliyeed.

“Miisaaniyad Sanadeedka 2016-ka waxay ahayd mid maan-gal ah, iyadoo kor loo qaaday heerkii Waaxda Cashuurta ee Kastamada Dalka lana dhaqan galiyay cashuurta hay’adaha muhiimka ah sida Isgaarsiinta, Hoteellada iyo Horumarinta Ururinta Cashuuraha Jidadka,” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, RW ku xigeenka Somalia Carte ayaa Xusay inuu dalku ku Waajahan yahay horumar iyo degenaansho, isagoo tusaale u soo qaatay in la dhamystirayo Qorshaha Horu-Marinta Qaranka (NDP), Dhaqan-galinta Siyaasadda Ammaanka Qaranka (NSP), ka Qayb-qaadashada kor u qaadida Arrimaha Bani'aadamnimada (Universal periodic Review-UPR).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya