Xildhibaan Max'ed Xassan Ibraahim Qoono oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas ka soo barakacay abaarta
Sabti, December, 03, 2016 (HOL) -- Xildhibaan Max'ed Xassan Ibraahim Qoono oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka cusub ee mar kale la soo doortay, raashin ugu deeqay dad ay soo barakicisay abaarta ku dhufatay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Duqa degmada Beledweyne Cumar Aadan Ibraahim Deeqoow oo wakiil uga xildhibaanka qeybinta deeqdan raashinka ah ayaa sheegay in tiro ka badan 400 oo qoys oo ka mid ah dadkii ka barakacay abaarta ku dhuftay deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan gobolka Galguduud iyo qeybo ka mid ah Mudug la gaarsiiyay raashinkan gargaarka ah.
Dadka gargaarka loo qeybiyay ayaa ku sugan deegaannada miyiga fog ee gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku booqdeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka heer degmo, kuwaa oo marka laga soo tago raashinka la gaarsiiyay qoysaska tabaaleysan dhinaca kale u kuurgalayay xaalada dadka soo barakacay.
''Xildhibaanka isaga oo ka jawaabaya daruufaha nolaleed ee la soo darsay dadkan abaarta ku dhufatay, waxaa uu ku deeqay raashin aan u qeybinay tiro ka badan 400 oo qoys oo ka mid ah dadkii ugu sii liitay barakacayaasha abaarta ka soo hayaamay'' ayuu yiri duqa degmada Beledweyne Cumar Baadiyoow.
Mas'uuliyiinta maamulka ayaa ka mahad celiyay deeqdan raashinka ah ee ka timid xildhibaan Max'ed Xassan Ibraahim Qoono oo noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay gargaar la soo gaara dadka ku dhibaateysan deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee ka soo barakacay abaarta.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
More News
- SAWIRRO: Senetor Abshir Bukhaari oo Xafiis bulshada loogu Adeegayo ka Furay Cadaado
- Hoggaamiyeyaasha Afrika oo looga digay dhurashada shisheeyuhu ku hayo kheyraatka Afrika
- Madaxtooyada Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii ka soo yeeray ra'iisal wasaare Sharma'arke
- Ciidamada Puntland iyo Koox Daacish Taabacsan oo Maanta ku Dagaallamay Dulleedka Qandala
- Xukuumadda Shiinaha oo ka Carootay Wada-hadalkii Dhex-maray Trump iyo Madaxweynaha Taiwan
- DAAWO: Labo Wiil oo Somali-American ah oo garab u noqday Dadka Abaaruhu ay Saameeyeen
- DAAWO: Waxgarad & Odayaal sheegay in la Musuqay Doorashadii shalay ka dhacday Cadaado
- Diyaarad drons ah oo ku soo dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose
- Guddoomiye Cirro oo sheegay in loo diiday inuu xabsiga ku booqdo masuul xisbigoodda ka xidhan iyo jawaabta xukuumadda
- RW Cumar C/rashiid oo sheegay in loo baahan yahay isbadal dhinaca hogaanka dalka ah
- Galmudug oo ku eedeysay Puntland in jabineyso xabad joojintii horay loo gaaray
- Hayadaha samafalka oo u taag la' wax ka qabashada dhibaatada abaaraha Soomaaliya
- Labo wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden
- Wiilkii Soomaaliga ahaa ee dhawaan weerarka qaaday ee la dilay oo lagu aasay Ohio
- Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha oo dhaceysa sanadka 2017 ka hor