4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2016
Nabadoon goor dhaw rag hubeysan ay ku dileen degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho



Arbaco, December 28, 2016 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw nabadoon ku toogtay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, xiligii salaad cishaha kadib, sida ay warbaahinta gudaha u shegeen dad goob joogayaal ah.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacabi jiray Axmed Dhoore waxaa warar soo baxaya sheegayaan in uu ka mid ahaa odayaashii tagay magaalada Cadaado ee qeybta ka ahaa doorashada xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen, iyadoo durbaba goobta ay tageen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka oo halkaa baaritaanno ka bilaabay.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo bartilmameedsado odayaasha dhaqanka ee gaar ahaa saameynta ku leh siyaasada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]