4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2016
Ciidamada dowlad deegaanka Itoobiya oo dilay askar ka tirsan ciidamada Puntland



Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) -Ciidamada maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu booliiska ayaa lagu waramayaa in maanta deegaan lagu magacaabo Dundun oo ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana dhaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ku dileen saddex askari oo ka tirasan ciidamada deegaankaas, kadib markii ay weerareen barkoontarool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo deegaanka ah oo ka carreysan falkan oo is abaabulay dagaal la galeen ciidamada Liyuu booliiska lamana oga khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray inta uu la eg yahay.

Sidoo kale,wararka ayaa tilmaamay in dhacdadan ay ka danbaysay kadib Markii Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Xassan Abgaalow ay shalay ka dhagax dhigeen Xaafada Xanan ee Deegaanka Dundun- MCH Caafimaad, Ceel Biyood iyo Saldhig Boolis,taasoo ka caraysiisay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo aan  lagu wargalin.

Deegaanka ayaa dhaca Dun-dun ayaa dhaca dhinaca galbeed ee Magaalada Gaalkacyo, ,waana Deegaan Xaduud ah oo labada dhinac kala degan yihiin   Soomaali iyo Itoobiyaan.

Ugu Danbaytii,labada dhinaca ee dagaalamay ayaa shawacyadoodii kala geystay degmooyinka Gaalkacyo iyo Bookh ee Soomaaliya iyo itoobiya,inta laga warqabana waa markii ugu horeesay oo dadka deegaanka iyo ciidamada LIYUU Police-ka  iska horimaad ku dhaxmaro deegaannadaas.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL:[email protected]
Garowe,Puntland_Soomaaliya