3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2016
Gabdhaha kubada K/koleyga gobolka Banaadir oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho


Arbaco, Diseembar 28, 2016 [HOL]- Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu laabtay gabdhaha kubada K/koleyga gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartankii kobada K/koleyga ee maamul gobolleedyada ka dhisan dalka oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

 

Gabdhana ayaa cayaar adag oo ay la galeen kooxda gabdha kubada Koleyga Hirshabeelle waxaa ay kaga adkaadeen 66 jeesto, iyaga oo kulamadoodii ugu danbeeyay dhamaanba badiyay.

 

Munasabad soo dhaweyn ah ayaa xalay loogu sameeyay gabdhan magaalada Muqdisho, waxaana lagu hambalyeey guushii ay ka gaareen tartanka.

 

Ugu danbeyntii, bilowgii tartanka ayaa waxaa siweyn uga horyimid culimada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay arin aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka.

 

Aaden M Warsame

Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 













Click here
12/28/2016 2:09 PM EST
Arbaco, December 28, 2016 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw nabadoon ku toogtay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, xiligii salaad cisha kadib, sida ay warbaahinta gudaha u shegeen dad goob joogayaal ah.

12/28/2016 1:14 PM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) -Mid ka mid ah laba beelood oo colaad 12 sano ka badan u dhexaysay ayaa ku baaqday Shalay nabad aan shuruud lahayn kulan ay ku yeesheen magaalada Kalabaydh oo 30KM. galbeed kaga aadan Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

12/28/2016 11:52 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) -Ciidamada maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu booliiska ayaa lagu waramayaa in maanta deegaan lagu magacaabo Dundun oo ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana dhaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidammada deegaankaas, kadib markii ay weerareen barkoontarool.

12/28/2016 11:40 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – IYADOO todobaadyada soo socda la filayo in la doorto hogaaanka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa durbaba waxaa soo baxaya musharixiin u taagan qabashada xilkan guddoonka baarlamaanka.

12/28/2016 8:37 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – Nin hubeysan ayaa maalintii shalay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ku dilay shaqaale gargaar oo ka tirsanaa hay’adda ICRC oo lagu mgacaabi jiray Axmed Jaamac Siyaad.

12/28/2016 6:43 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hir-geliyo dalka Soomaaliya.

12/28/2016 6:11 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Weerar loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lagu weeraray Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Afgaanistan, xili uu marayay wado ku taala magaalada Kaabul.

12/28/2016 4:47 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – Baarlamaanka cusub ee 10aad oo kalfadhigiisii yeeshay maalintii shalay, ayaa lagu wada in maalmaha soo socda ka doodaan waqtiga la qabanayo doorashada hogaanka sare ee dalka.

12/28/2016 4:35 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – Haweenka ku dhaqan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa ka faa’ideysana mashruuc u gaar ah haweenka oo ah farsamada gacanta.

12/28/2016 3:09 AM EST
Arbaco, Decembar 28, 2016 [HOL]-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xilka ay la wareegeen Talaadadii shalay iyo dhaarta ay u dhaarteen dalkooda hooyo, waxaana talaabadaasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya.

12/28/2016 2:27 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Xoghayaha baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Hiiraan Online ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlaha baarlamaanka iyo sida laga yeelayo go’aamadii horay uga soo baxay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga ee la xiriira hanaanka doorashada.

12/28/2016 2:12 AM EST
Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-Fadumo Dayib oo horay u ahayd murashax u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la dagaalameyso musuq-maasuqa.

12/28/2016 1:52 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in hambalyo u diray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maalintii shalay sheegay kalfadhisii uu horeeyay.

12/28/2016 12:35 AM EST
Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-QM, ururka midowga Afrika iyo quwadaha waaweyn ee caalamka ayaa aad uga walaacsan hannaanka doorashada ee Soomaaliya.