4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2016
Shaqaale ka tirsanaa hay’adda ICRC oo lagu dilay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug



Arbaco, December,  28, 2016 (HOL) – Nin hubeysan ayaa maalintii shalay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ku dilay shaqaale gargaar oo ka tirsanaa hay’adda ICRC oo lagu mgacaabi jiray Axmed Jaamac Siyaad.

Warar dheeraad ah soo baxaya  ayaa sheegaya in marxuumka dhintay uu halkaa ka wada waqtigaa gargaar loo qeybinayay dad ka soo barakacay abaarta iyo colaada gobollada dhexe oo deegaankaa ku sugnaa, sidda uu warbaahinta u sheegay nin la dhashay marxuumka oo lagu magacaabo Shariif Jaamac Siyaad.

Shariif ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan ogeyn sababta rasmiga ah ee loo dilay walaalkii, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in waqtiga la dilay uu ku howlaa qeybinta  gaargaar loogu talagalay dadka barakacayaasha.

Dhinaca kale, maamulka degmada Camaara ayaa sheegay in qofka dilka geystay gacanta lagu dhigay, iyaga oo arintan ku micneeyay muran soo kala dhax-galay murxuumka dhintay iyo gacan ku dhiiglaha, iyaga oo meesha ka saaray in dilka  ay ku lug leeyihiin gacamo kale.

Ugu danbeyntii, shaqaalaha garagaar ayaa khatar ugu jira mar walba in ay ku dhintaan howlaha samafalka, mana ah markii ugu horeysay oo sidan oo kale toogasho lagu dilo qof ku howlan u samafalka dad dhibaateysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]