4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2016
Soomaali-Mareykanka oo looga digay in ay ku lug yeeshaan musuq maasuq



Arbaco, December,  28, 2016 (HOL) - Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hir-geliyo dalka Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ay ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas dheer, hase yeeshee dowladda Mareykanka ayaa shalay qeyb ka ahayd qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, beesha caalamka waxa ay sheegtay in go’aanka Madasha ay ku saamaxeen musharaxiin ay guddiyada doorashada laaleen codeyntooda sababo la xiriira tuhun xadgudub iyo qaladaad ay cafis buuxa siineyso qaar ka mid ah sharci darrooyinkii ugu xumaa ee ka dhex dhacay doorashooyinka.

Ma ku raacsan tahay in dawladaha US/UK ay ugu goodiyaan muwaadiniintooda sharuucdooda maxaliga ah si ay uga hortagaan wax is daba marin ka dhan ah doorashada Soomaaliya?
Haa
Maya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]