3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2016
Madaxweyne Cosoble oo guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarinta xildhibaanada labada aqal ee dalka

Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xilka ay la wareegeen Talaadadii shalay iyo dhaarta ay u dhaarteen dalkooda hooyo, waxaana talaabadaasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya.

 

Madaxweyne Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay tallaabada horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen Umadda Soomaaliyeed, islamarkaana gaba gaba ay tahay wadadii looga bixi lahaa kalaguurka, waxaana uu u rajeeyay baarlamaankani 10-aad in uu noqdo mid dadka iyo dalka ay u aayaan.

 

“Waxaan soo dhoweynayaa guusha lagu tallaabsadey ee dhameystirka dowlad dhisida Soomaaliya, iyo baarlamaankani cusub oo noqonaya baarlamaankii 10-aad, waxaa la idiin ka sugaya ayaa ah ka dhabeynta dhaarta aad u dhaarateen dadka,dalka,iyo diinta, horumarinta iyo dejinta shuruucda dalka sida Ansixinta Dastuurka iyo afti u qaadistiisa oo muhiim noo ah, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo codkiisa ah,  sidoo kale waxaan u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan waaga cusub ee u baryey” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Dr Cali Cabdullaahi Cosoble  ayaa Ku ammaanay Baarlamaankii hore howshii baaxada laheyd ay soo qabteen waxaana hambalyo iyo bogaadin uu u jeediyay Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xilkasnimadii iyo waaya aragnimadii  uu Ku soo hogaamiyay Baarlamaankaasi 9-aad.


Hiiraan Online News Desk

 

 













Click here
12/28/2016 2:09 PM EST
Arbaco, December 28, 2016 (HOL) – Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw nabadoon ku toogtay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, xiligii salaad cisha kadib, sida ay warbaahinta gudaha u shegeen dad goob joogayaal ah.

12/28/2016 1:14 PM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) -Mid ka mid ah laba beelood oo colaad 12 sano ka badan u dhexaysay ayaa ku baaqday Shalay nabad aan shuruud lahayn kulan ay ku yeesheen magaalada Kalabaydh oo 30KM. galbeed kaga aadan Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

12/28/2016 11:52 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) -Ciidamada maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu booliiska ayaa lagu waramayaa in maanta deegaan lagu magacaabo Dundun oo ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana dhaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ku dileen saddex askari oo ka tirsan ciidammada deegaankaas, kadib markii ay weerareen barkoontarool.

12/28/2016 11:40 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – IYADOO todobaadyada soo socda la filayo in la doorto hogaaanka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa durbaba waxaa soo baxaya musharixiin u taagan qabashada xilkan guddoonka baarlamaanka.

12/28/2016 11:36 AM EST
Arbaco, Diseembar 28, 2016 [HOL]- Waxaa magaalada Muqdisho dib ugu laabtay gabdhaha kubada K/koleyga gobolka Banaadir oo ku guuleystay tartankii kobada K/koleyga ee maamul gobolleedyada ka dhisan dalka oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

12/28/2016 8:37 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – Nin hubeysan ayaa maalintii shalay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ku dilay shaqaale gargaar oo ka tirsanaa hay’adda ICRC oo lagu mgacaabi jiray Axmed Jaamac Siyaad.

12/28/2016 6:43 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay hanaan doorasho oo sax ah oo laga hir-geliyo dalka Soomaaliya.

12/28/2016 6:11 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Weerar loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa lagu weeraray Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Afgaanistan, xili uu marayay wado ku taala magaalada Kaabul.

12/28/2016 4:47 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – Baarlamaanka cusub ee 10aad oo kalfadhigiisii yeeshay maalintii shalay, ayaa lagu wada in maalmaha soo socda ka doodaan waqtiga la qabanayo doorashada hogaanka sare ee dalka.

12/28/2016 4:35 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) – Haweenka ku dhaqan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayaa ka faa’ideysana mashruuc u gaar ah haweenka oo ah farsamada gacanta.

12/28/2016 2:27 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Xoghayaha baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Hiiraan Online ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlaha baarlamaanka iyo sida laga yeelayo go’aamadii horay uga soo baxay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga ee la xiriira hanaanka doorashada.

12/28/2016 2:12 AM EST
Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-Fadumo Dayib oo horay u ahayd murashax u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la dagaalameyso musuq-maasuqa.

12/28/2016 1:52 AM EST
Arbaco, December, 28, 2016 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in hambalyo u diray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maalintii shalay sheegay kalfadhisii uu horeeyay.

12/28/2016 12:35 AM EST
Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-QM, ururka midowga Afrika iyo quwadaha waaweyn ee caalamka ayaa aad uga walaacsan hannaanka doorashada ee Soomaaliya.