4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2016
Fadumo Dayib oo sheegtay in ay wixii hada ka danbeeya la dagaalami doonto musuq maasuqa

Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-Fadumo Dayib oo horay u ahayd murashax u taagan xilka madaxweyne ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay la dagaalameyso musuq-maasuqa.

Faadumo Dayib ayaa arinta shaacisay kaddib markii ay dhawaan isaga hartay tartanka kursiga ugu sareeya talada dalka [Madaxweyne] iyadoo sheegtay in musuq maasuq baahsan lagu hayo hanaanka doorashada dalka.

'Ma doonayo in aan sharci ka dhigo wax aan dastuuri ahayn marka ugu horeysaba 4.5 nidaamka ah ee kala sooca qabaailka Soomaaliyeed waa mid aan dastuuri ahayn, ayeey intaa raacisay

Waxey ku eedeysay madaxda ugu sareysa Qaranka in ay hantidii dowladda u isticmaalayaan olalahooda doorasho.

Siddoo kale waxaa ay ka soo horjeesatay 18ka kursi ee lagu daray kuraasta aqalka sare oo ay sheegtay in aysan dastuuri ahayn.

''Waxaan u arkaa sida ay hadda wax u socdaan in dalka ay galin karaa dagal sokeeyo dibna ugu celin karaan dhibaatadii horay looga soo gudbay'' ayeey tiri Faadumo Dayib.

Kuraasta qaar ayeey sheegtay in lagu kala iibsaday $ 1.3 milyan oo doolar.

Dadka qaarkii ayay tiri waxay bixiyaan nus malyan doolar si ay siyaasada u soo galaan.

Waxay sheegtay iminka wixii laga bilaabo in ay dadaal xoog leh u galin doonto sidii wax looga qaban lahaa musuq maasuqa jira.

Ugu danbeyntii, Waxay sheegtay in ay Kenya iyo Soomaaliya gudahooda ololaha musuqa looga soo horjeedo ka wadi doonto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online

[email protected]