4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 28, 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh oo ku baaqay in lala shaqeeyo baarlamaanka cusub



Arbaco,  December,  28, 2016 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa sheegay in hambalyo u diray baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo maalintii shalay sheegay kalfadhisii uu horeeyay.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in Baarlamaanka cusub lala shaqeeyo, isla markaana lagu garab siiyo sidii doorashada inta ka dhiman loo dhameystiri lahaa.

“Soomaaliya waa ka gudubtay marxaladii kala guurka ahaa, waa cusub ayaa u bilowday, waxaa hambalyo leeyahay Baarlamaanka cusub ee la dhaariyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in Baarlamaankan cusub uu ka duwan yahay baarlamanadii hore ee dalka soo maray, isagoo xusay inay ku jiraan dhalinyaro iyo Haween badan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada ka dhacday Soomaaliya ay ka wanaagsaneyd doorashada ka dhacday dalal qaar ee caalamka, isagoo tilmaamay in ay jireen cilado iyo gaabis meelaha qaar, balse doorashada ay aheyd mid u dhacday qaab wanaagsan.

Ugu danbeyntii, baarlamaanka cusub ee 10aad ayaa looga fadhiyaa inuu ku dhawaaqo xilliga kama dambeysta ee ay dhaceyso doorashada madaxweynaha iyo guddoonka labada aqal, iyadoo afar goor oo hore uu dib u dhac ku yimaaday jadwalka doorashada ee ay dejiyeen Madasha iyo guddiga doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]