4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2016
Caalamka oo aad uga walaacsan hannaanka doorashda ee Soomaaliya

Arbaco, December 28, 2016 [HOL]-QM, Ururka midowga Afrika iyo quwadaha waaweyn ee caalamka ayaa aad uga walaacsan hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Shalay oo ahayd Talaado ayaa bayaan kasoo baxay midowga Afrika, QM iyo dalalka reer galbeedka ee hannaanka doorashada Soomaaliya ku lugta leh waxaa lagu xusay inay hannaankaa aad uga walaacsan yihiin maadaama uu noqday mid jah wareer keenay.

Baddalkii dhaarintii xildhibaanada ee shalay dhacday ay u riyaaqi lahaayeen ayay murugo ka muujiyeen sida hannaanka uu ku dhacay ama kusocodo. Waxaa ku saxiixnaa bayaanka IGAD, Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Africa, QM iyo shan dal oo kale oo qaarada Yurub ka tirsan.

Midowga Yurub, QM iyo Mareykanka  ayaa qarash badan ku bixiyay sida lagu xusay bayaanka sidii ay Soomaaliya u xasilin lahaayeen.

Waxay sheegeen in hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ku xad gudbeen qoondada dumarka ee ahayd in hal laga siiyo dumarka saddexdii kursi ee baarlamaanba!

Saxiixeyaasha bayaankaa ayaa sidoo kale ka biyo diiday in kuraasta aqalka baarlamaanka laga dhigo 75 ayadoo markii hore ay ahaayeen 54.

“Wixii sii ballaarin ah oo Aqalka Sare lagu samaynayo waxaa un lagu fakari doonaa markii madaxweynaha lagu  doorto gudaha baarlamaanka cusub ee federaaliga ah waxaana lagu hirgalin doonaa hannaan munaasab ah oo dastuuri ah.” Bayaanka ayaa sidaa lagu xusay.

Madaxweynaha ayay ahayd in la doorto bishii Agoosto laakiin dhowr jeer ayaa doorashadiisa dib loo dhigay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]