4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Iskaashiga Afrika iyo Jabaan (SAWIRRO)

Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir-madaxeedka lixaad ee Iskaashiga Afrika iyo Jabbaan ee TICAD - [Tokyo International Cooperation on Africa Development] - oo maanta ka furmay Xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

Xasan Sheekh, ayaa ugu horeyn ka hadlaye muhimadda iskaashiga Afrika iyo Japan oo uu xusay inuu yahay mid labada dhinac faa’iido u leh, gaar ahaan Afrika oo si wanaagsan uga manafacaadi karta kheyraadkeeda.

“Qaaradda Afrika waxay cagta saartey waddada horumarka, kheyraadka ku jirana haddii si wanaagsan looga faa’ideysto waxaa hubaal ah in nolosha dadyowgeena ay wax badan ka beddeli karto. Soomaaliya waa dal ka soo kabanayaa colaado sokeeye oo muddo dheer soo socday, hadana waxay ka mid tahay waddamada sida dhow uga faa’iideysanaya iskaashiga TICAD. Shirkaan kii ka horreeyay ee Tokyo lagu qabtay sannadkii 2013-kii, waxaa barbar socday kulan gaar ah oo arrimaha Somalia looga hadlayay, taasna waxay muujinaysaa muhimadda ay TICAD inoo leedahay,’’ ayuu ka sheegay shirka Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaaladdeeda soo hagaageyso, isla markaana ay diyaar u tahay in waddankeeda la maalgashado, iyadoo sharciyadii maal-gashiga iyo hannaanka maaliyadda ee dalka ay haatan si wanaagsan u shaqeynayaan.

“Horumarka ay Afrika hiigsaneyso waxaa daba socda caqabado amni, gaar ahaan khatarta argagixisada oo u baahan si caalami ah loo wajaho. Dalkeena Somalia iyo gobolka Geeska Afrika khatar ayay ku yihiin argagixisada, laakiinse nasiib-wanaag Dalalka dariska nala ah, ayaa waxaan qaadanay mowqif mid ah oo lagula dirirayo argagixisada. Waxaan filayaa iyo gobollada kale ee Afrika ay ku daydaan iskaashiga dalalka Geeska Afrika ee la dagaalanka argagixisada, loogana sii gudbo heer caalami ah oo khatartaas lagu hakiyo,’’ ayuu mar kale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shir-madaxeedka TICAD ugu baaqey in la dardar-geliyo hir-gelinta suuqyada xorta ah iyo ganacsiga furan, si wax looga beddelo nolosha malaayiin qof oo Afrika ku nool.

Wuxuu kaloo Madaxweynaha ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in horumarka iyo guulaha la gaarey ay daliil u tahay Doorashada dhacaysa dhawaan ee waddanku ku soo dooranayo hoggaankiisa iyo goleyaashii matali lahaa.

Shir TICAD oo maanta ka furmey Nairobi - ayaa socon doono muddo laba Maalmood ah, waxaana diirada ay saarayaan madaxda ka qayb-galaysa kobinta maal-gashiga, abuurista fursadaha ganacsiga ee xubnaha TICAD, kaabeyaasha dhaqaale, dalxiiska iyo adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin.

Dhanka kale, Madaxweynha Kenya Uhuru Kenyatta oo dalkiisu Mar-tigelinayo Shirkaan - ayaa sheegay in Afrika ay haysato fursad dahabi ah oo ay Caalamka kula tartami karto sida dhaqaalaha, hadii si wanaagsan looga faa’iideysto iskaashiga ay la leedahay dunida inteeda kale.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo isna furitaanka shirka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in is-kaashiga Jabbaan iyo Afrika uu gaaray marxalad ay labada dhinacba dareemayaan inay ku najaxeen, sidaa darteedna Japan ay si gaar ah ayay xil isaga saaraysaa sidii loo xajin lahaa guulahaas & in la kordhiyo taageerada dhanka farsamada ah la kordhiyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada guud ee Afrika si Qaaraddu u yeelato khubaro hore u dhaqaajin kara horumarka la hiigsanayo.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu horreysay ee shir-weynahaan lagu qabto Qaaradda Afrika, iyadoo shirkii midkii ka horreeyay ee ka dhacay Tokyo lagu heshiiyay in Shirarka TICAD marti-gelintiisa ay si kaltan ah uga kala dhacaan Afrika iyo Japan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya