4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
SAWIRRO: Boqollaal Arday oo ah Dufcaddii u horreysay oo ka Qalin-jabiyay Jaamacada Jamhuuriya

Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Xaflad qalin-jabin ah oo ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Somalia, Xubno ka socday Jaamacadaha Waddanka, Rugta Gaacsiga, Bulshada Rayidka, Waalidiin, Macallimiin iyo Marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka SYL ee Muqdisho.

Xafladdan ayaa loo qabtay arday tiradoodu ahayd 250 oo dhameystay Afar takhasus oo ay Jaamacadda Jamhuuriya bixiso oo kala ah; kuliyada caafimaadka, culuunta kambiyuutarka, Maamulka iyo Gaacsiga iyo Injineeriyada.

Ardaydan ayaa waxaa ka mid ahayd Hooyo Madiino Nuur Xuseen oo dhameysay kuliyada Maamulka iyo Ganacsiga, Waxaana farxadda la Qaybsaday Wiilasheeda oo mid ka mid ah uu haysto shahaado Jaamacadeed.

“Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay maanta, waa maalin igu qaali ah maadaama ay farxada ila Qaybsanayaan Wiilashayda iyo Walaalahay,” ayay tiri Hooyo Madiino oo la Hadashay Warbaahinta.

Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo ah Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo hadlay ayaa u hambalyeeyay bahda Jaamacadda Jamhuuriya, Waaliddiinta u soo Dhabar-adaygay intii ay ubadkoodu Jaamacadda dhiganayeen iyo ardayda xafladda Qalin-jabinta ah loo qabtay, wuxuuna ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan dhallinyaradan. Gabeyre ayaa intaas ku daray in shaqo la’aantu ay dhallinyarada ku keeni karto in si khaldan looga faa’iideysto haddii aysan fursado ay noloshooda ku maareeyaan helin.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya, Inj. Maxamuud Axmed Jimcaale - ayaa isagana u hambalyeeyay ardayda Qalin-jabisay, wuxuuna kula dar-daarmay inay astaan wanaagsan u noqdaan Jaamacadda. Wuxuu sidoo sheegay in Jaamacaddu ay mar walba u taagan tahay in ay soo saarto arday tayo leh oo aqoonta ay u dheer tahay waddaniyad iyo dal jacayl.

“Jaamacaddan waa mid aan faa’iido doon ahayn, laakiinse waxaa asaas u ahaa in la helo Soomaali aqoon iyo aqlaaq wada socota leh. Waxaana farxadda la wadaagayaa ardayda maanta qalin-jabinaysa. Waxaan dhihi karaa guushii ugu horreysay ee ay Jaamacadu gaarto waa tan maanta idiin muuqata,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka maamulka Jaamacadda Jamhuuriya, Cismaan Cali Xalane.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa isna uga mahad-celiyay maamulka iyo macallimiinta Jaamacadda Jamhuuriya dadaalka ay ku bixiyeen ardaydan, isagoo kula taliyay inay sii laba-laabaan Dadaalkooda. Agaasimaha ayaa hadalkiisa ku xusay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ay mar walba u taagan tahay sidii ay Jaamacada Dalka uga dhigi lahayd kuwo tayo leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya