4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Talyaaniga: Muhaajiriin Afrikaan ah oo ka qeyb qaatay samatabixinta dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka

Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Dadka Afrikaanka ah ayaa sida la ogsoon yahay waxay labaatankii sano ee lasoo dhaafay isku maqiiqayeen oo galayeen Talyaaniga kadib marka ay ka tallaabaan biyaha badda Miditaraneanka ee u dhexeeya Talyaaniga iyo waqooyiga qaaradaan Afrika.

Afrikaanka ayaa Yurub u raadsada nolol cusub. Arbacadii dhaweyd markii dhul gariirku ka dhacay Talyaaniga koox muhaajiriin ah oo Afrikaan ah ayaa tagay halkii dhul gariirku ku dhyftay ayagoo caawinaayay dadkii ku waxyeeloobay halkaa.

'Waxaanu doonaynaa inaan dadka halkaan caawino', sidaa waxaa yiri Cabdullaahi oo kasoo haajiray dalka Benin.

Badeelo, garweyn iyo fargeetooyin ayay 20 qof oo muhaajiriin ah  u isticmaaleen diyaarinta dhul la doonayay in dadka waxyeeladu soo gaadhay looga mudo teendhooyin iyo meelo ay diyaarado qummaati u kaca kusoo dagaan.

Dadkaa oo dhammaantood Muslimiin ahaa salaadii markii la gaaray waa ay tukadeen.

Lagasoo bilaabo Arbacadii tirada dhimashadu waxay gaadhay 267. Muhaajiriinta cawimaada u fidiyay dadka waxyeelooyinku kasoo gaareen dhulgariirka ayaa badankoodu ka yimid Burkina Fasso, Niger iyo Senegal.

Dhanka kale, waxaa bilaabatay baroor diiq loo samaynayo dadkii nafafyaalkooda ku waayay dhul gariirkaa ba'naa.

Calanka dalkaa ayaa hoos loo dhigay dhammaan daafaha dalkaas Talyaaniga.

ANSA oo ah wakaalad warar oo dawlada dalkaasi leedahay ayaa sheegtay in Raisal Wazaaraha dalkaa Matteo Renzi iyo madaxweynaha Sergio Mattarella ay ka qeyb qaadanayaan tacsi loo dhigaayo dadkii halkaa ku geeriyooday ayna booqan doonaan meelihii dhul gariirku ku dhuftay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]