4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo Shaaca ka qaaday in Dugsiyada Hoose lagu baran doono Af Soomaali


Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Wasiirka Waxbarashada Somaliland, C/llaahi Ibraahim Habane, ayaa sheegay in dugsiyadda hoose caruurta wax loogu dhigo doono af soomaali, isla markaana ku qasban yihiin in dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo kuwo dawladuba inay isku manhaj wax ku wada bartaa.

Wasiirka ayaa xusay, in ay si adag isaga hor-yimaadeen Wasaaradda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay, kuwaas oo uu ku tilmaamay  inay ka hor yimaadeen manhaj cusub oo loo samaynayo dugsiyadda waxbarashadda.

Wasiirka ayaa sheegay in caruurtu wax ku fahmi og yihiin afkooga, isla markaana la xoojin doono af soomaaliga, madaama oo ubadku waxa kaliya ee uu wax ku fahmi karaa yahay in luuqadoodda wax lagu dhigo, haseyeeshee, waxa uu sheegay in dugsiyadda gaarka ah arrintaasi diideen,isagoo sheegay in luuqaduhu aanay cilmi ahayn  ciddii diida albaabka loo xidhi doonno.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in saacaddaha waxbarashaddu yar tahay, balse imila laga bilaabo la kordhin doono si  ardayddu aqoontooddu u korodho.

“Dugsiyada gaarka loo leeyahay waxaan waydiiyey miyaan la xaadirin ardayda, waxay yidhaahdeen waa la saxa uun qofka jooga iyo qofka maqan waayo wakhti looma hayo (Ardayda badan), hadaba waxaan helnay waraaqihii lagu xaadirin jiray bariigi hore ee 1975 kii waa wakhtigii aan shaqadda bilaabay, waxaana imika soo koobi karaynay toban kun oo midh oo loo qaybin doonno dugsiyadda si loogu xaadiriyo ardayda, hay’addo badan ayaanu u qoranay in naga caawiyaan badinta waraaqahan, wali way ka caga jiidayaan, dee mar haddii ay waxbarashadda nagala shaqeeyaan waa in wixii aanu u baahanahay naga caawiyaanxisaskeena iyo inta macalinku dhigaa way yar tahay, khamiista lama dhigaba, madaxweynuhu wuxuu na amr, haddii kale waa sodan iyo toddoba kun oo doolar wasiirka Maaliyadda Samsam baa naga bixin, waraaqahaasi xaadirista dugsiyadda dawlada iyo kuwo gaarka loo leeyahayba way isticmaalayaan, waraaqdaasina waxay ku joogtaa shan iyo afartan arday waana inta laga rabo fasalka, wax ka badan ma rabno” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi waxaanu sheegay in fasalka shan iyo afartan arday wax ka badan aan la ogolaan doonin inay wax ku bartaan.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in xiisadaha ardaydu bartaan ay yartahay, sidaa darteed saacado dheeraad ah lagu dari doonno wakhtiga ardaydu wax baranayaan “ waxaanu kordhin doonaa xiisaska macalmiinta dhigayaan, madaxweynuhu wuu la yaabay inta xisas ee ardaydu dhigto sanadkii, waxaanu nagu amray in la kodhiyo, siyaasaddii waxbarashadana waanu samaynay, golaha wasiiradda ayeynu gaynaynaa, xeerkii waxbarashadana wuxuu yaalaa golaha wakiiladda, waana hakinay xeerkaasi waayo waa in siyaasaddu ka horaysa xeerka, marka golaha wasiirada u gudbino siyaasadda waxbarashadda ayaa xeerkuna ka dambaynayaa, marka waa in shaqadda la wada qabtaa, oo  si adag u shaqaynaa waayo mustaqbalkii ubadkeena ayeynu gacanta ku haynaa.”

“Aduunka daraasadii ugu dambaysay ee la soo saaray waxay sheegtay in caruurtu waxa ay wax ku fahmi karaan tahay afkooga, haddii aad dugsiyadda gaarka loo leeyahay waalidka lacagta kaga gurataan Ingiriisi baan barnaa, waalidka waxaan  u sheegayna in aanay aqoontu ahayn Ingiriisi, sidaa darteed, waa in imika lagu bilaabo af soomaali, haddii aan arko kii caruurta uu qaadanayo ku bilaaba af Ingiriisi waan  xidhaya lama baryo”ayuu  yidhi mar uu ka hadlayey in dugsiyadda hoose lagu baranayo af somaali.

Si kastaba ha ahaatee, amarkan cusub ee ka soo baxay wasaaradda waxbarashada waxa si weyn uga hor yimid dugsiyadda gaarka loo leeyahay, kuwaas oo ka biyo diiday in Af soomaali wax ku dhigaan, haseyeeshee, wasiirku waxa uu sheegay inay ku qasbayaan, in dugsiyadda hoose ardayda wax lagu baro Af soomaali oo xiisaha lagu wada dhigto af soomaali.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland