4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
SAWIRO: Dhismaha Masjidka Xasan Macallin ee Baladweyne oo intiisa badan lasoo Gunaanaday

Sabti, August 27, 2016 (HOL)
Waxaa inta badan la soo dhameystiray dhismihii masjidka Dr Xassan Macalin Gaab oo bilihii ugu danbeeyayba ka soconayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dhulka masjidka laga hergaliyay oo markiisii hore ahaa garaash gadiid la dhigto ayaa ku yaala goob istiraatiji ah oo dadku siweyn ugu baahi qabeyn, waxaana dhulkan oo qiimhiisu ku kacayo in ka badan $150, 000 waqfay ama bixiyay qoyska alla u naxariisteen Dr Xassan Macalin Gaab.

Salaadii Jimcaha maalintii shalay ayaa si rasmi ah loo daah furay, waxaana kazoo qayb-galay xafladda furitaanka masjidka culima'udiin, halkaa khubado kala gadisan oo mahad celin ah ka soo jeedisay.

Xasan Ibraahim oo ah guddoomiyaha guddiga masjidka ayaa sheegay in wali ay jiraan qeybo ka mid ah masaajidka oo dhiman, sidda halkii ay haweenka ku tukan lahaayeen, Madraso cilmiga diinta lagu barto iyo dhulka masjidka uu ku fudhiyo oo dhamaantii laga dhigo shamiito, ama mutuleyn.

"Waxaan rabnaa in aan halka uga mahad celino dhamaanba dadkii ka qeyb-qaatay dhismaha masjidka, gaar ahaan xaaska murxuumka loo waqfay oo xil gaar ah iska soo saartay in masjidku heerkan soo gaaro ," ayuu yiri Xasan Ibraahim.

Masjidkan ayaa marka muuqaal ahaan la eego ka mid noqonaya masaajida ugu waaweyn magaalada, waxaana dhismihiisa siweyn u soo dhaweeyay culima'udiin, iyo dadka ku dhaqan guud ahaanba xaafadda Kooshin oo masjidkan laga her-galiyay

Ugu dambeyntii, dhismaha masaajida ayaa ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee laga qeyb-qaato maadama ay tahay Sadaqo Jaariya ah oo qof kasta oo muslim ah anfici doonta maalinta danbe ee Aqaaro.

Haddaba, haddii aad rabto in aan ka qeyb-qaadato dhismaha inta dhiman la xiriir guddiga masjidka Amaana Account – BWN -341626 42, ama la xiriir guddiga masjidka oo kala ah Xasan Ibraahim Xalane 25261-5580669, Axmed Yuusuf Aadan; 252-615-564249 ama Maxamed Macallin Cabdi Suldaan, 252-615-564075

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlne
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya