4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Baanka Adduunka oo lacag u yaboohay hannaanka dib u celinta qaxootiga Dhadhaab

Jim Yong Kim, madaxweynaha Baanka Adduunka
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Baanka Adduunka ayaa baadi goob ugu jira habab wax ku ool ah oo lagu bara taaro zoonka dhaqaalaha ee horay loo hirgaliyay ee shaqo abuurka ka dhaliya meelaha qaxootigu daggan yahay.

Baanka Adduunka  Madaxweynihiisa Mr. Jim Yong Kim  ayaa sheegay in baanku uu jeclaan lahaa inuu Kenya ka taageero sidii ay u maareyn lahayd dib u celinta qaxootiga weliba si sharaf leh oo Dhadhaabna dabadeed laga dhigo zoon ganacsi oo aad u wacan.

Kim ayaa ka hadlaayay Nairobi asagoo la hadlaayay Madaxweyne Uhuru Kenyatta shirka caalamiga ah ee lixaad ee Tokyo International Conference on African Development (TICAD VI).

Shirka ayaa waxaa uu haatan kasocdaa xarunta shirarka caalamiga ah ee Nairobi ee KICC wuxuuna qaadan doonaa muddo dhowr maalmood ah.

Shirka ayaa madaxweynaha Kenya kasokow waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaal badan oo caalamka daafihiisa iyo Afrikaba kakala yimid.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya shirweynahaa oo la filaayo go'aamo badan oo wax ku ool ah oo ganacsiga sare loogu qaadayo inay ka soo baxaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]