3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Muran adag oo kaTaagan Dhaqaalaha ku baxaya Doorashada Somalia ka dhacaysa Sannadkaan


Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Waxaa muran xooggan ka tagan yahay Dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Soomaliya, xilli ay la isku dayayo in la dhimo tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaannada baarlamaannada soo socda ee Soomaaliya.

Maalmahaan ayaa waxay kulammo is-daba-joog ah u socdeen Madaxda ugu sarreysa Dowladda Federaalka Somalia, xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Deeq-bixiyeyaasha iyagoo ka hadlayay kharashaadka doorashooyinka ku baxaya.

Qodobbada la isku hayo ayaa waxaa ka mid ah qaabka dhaqaalaha loo maamulayo, iyadoo Beesha Caalamka ay dalbanayaan in la caddeeyo dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka Dadban ee sannadkan dhacaya.

Sidoo kale, wuxuu muran adag ka taagan yahay xareynta 14025 ergay iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxaa la isku hayaa cidda bixinaysa dhaqaalaha ku baxaya sidii loo xareyn lahaa ergada.

Madaxweynaha iyo RW Soomaaliya ayaa maalmo ka hor la kulmay Madaxa hay’adda UNDP, Helen Clark oo booqasho ku timid Muqdisho, waxayna ka wada-hadleen arrimaha Doorashooyinka iyo Dhaqaalaha ku baxaya.

Ergeyga QM u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Keatin ayaa sidoo kale la kulmay madaxda Dowladda FS iyo Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo uu kala hadlay Qorshayaasha Doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.

Ugu dambeyntii, Kulammadii Madasha ee u dambeeyay ayay Xubnaha Beesha Caalamka kusoo bandhigeen in maamul-goboleedyada iyo Dowladda FS ay bixiyaan qayb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
8/27/2016 4:53 PM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shir-madaxeedka lixaad ee Iskaashiga Afrika iyo Jabbaan ee TICAD - [Tokyo International Cooperation on Africa Development] - oo maanta ka furmay Xarunta dalka Kenya ee Nairobi.

8/27/2016 4:32 PM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) —Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Samakaab Cali ayaa ku baaqay in xal laga gaaro colaado kala dhaxeeya mid kamid ah beelaha dega degmada Taleex ,taasi oo in muddo ah soo jiitamaysay ,isla markaana sababtay khasaare dhinacyo badan isugu jira.

8/27/2016 4:23 PM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Xaflad qalin-jabin ah oo ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin ka socda Dowladda Somalia, Xubno ka socday Jaamacadaha Waddanka, Rugta Gaacsiga, Bulshada Rayidka, Waalidiin, Macallimiin iyo Marti-sharaf kale, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka SYL ee Muqdisho.

8/27/2016 11:39 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Dadka Afrikaanka ah ayaa sida la ogsoon yahay waxay labaatankii sano ee lasoo dhaafay isku maqiiqayeen oo galayeen Talyaaniga kadib marka ay ka tallaabaan biyaha badda Miditaraneanka ee u dhexeeya Talyaaniga iyo waqooyiga qaaradaan Afrika.

8/27/2016 10:56 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Wasiirka Waxbarashada Somaliland, C/llaahi Ibraahim Habane, ayaa sheegay in dugsiyadda hoose caruurta wax loogu dhigo doono af soomaali, isla markaana ku qasban yihiin in dugsiyadda gaarka loo leeyahay iyo kuwo dawladuba inay isku manhaj wax ku wada bartaa.

8/27/2016 10:38 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Sanad kasta 27-ka August, waxaa laga xusaa Soomaaliya Maalinta Xaquuqda Aadanaha, iyadoo Munaasabadaha iyo kulamada la qabto looga hadlaa Heerka ay marayaan dhibaatooyinka la xiriira xaquuqul Insaanka.

8/27/2016 9:36 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Waxaa inta badan la soo dhameystiray dhismihii masjidka Dr Xassan Macalin Gaab oo bilihii ugu danbeeyayba ka soconayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/27/2016 7:45 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Baanka Adduunka ayaa baadi goob ugu jira habab wax ku ool ah oo lagu bara taaro zoonka dhaqaalaha ee horay loo hirgaliyay ee shaqo abuurka ka dhaliya meelaha qaxootigu daggan yahay.

8/27/2016 3:28 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-QM ayaa difaacday shalay dawlada Kenya kadib warar soo baxay oo sheegay in qaar katirsan saraakiisha dawlada Kenya ay ku qasbaan qaxootiga Dhadhaab inay Soomaaliya si qasab ah u aadaan.

8/27/2016 3:09 AM EST
Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Xukuumadda Masar ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka taageerayso sugidda Amniga Somalia, iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay Masar gacan uga geysanayso ammaanka guud ee Soomaaliya.

8/27/2016 2:38 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Xafladii qalinjabinta ee 4aad ayaa lagu qabtay dugsiga Imaamu Shaafici ee magaalada Balad Xaawo shalay galab.

8/27/2016 2:25 AM EST
Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Odayaasha beesha Garre ee Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya ayaa ka dalbay madaxda beesha qaarkood inaysan isu soo sharrixin jagooyinkii ay hayeen doorashada soo socota ee sanadka dambe.