4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Odayaasha Beesha Garre oo ka dalbay gobeernatooraha Mandheera inuusan xilkaa isu soo sharrixin

Sabti, Agoosto 27, 2016 (HOL)-Odayaasha beesha Garre ee Gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya ayaa ka dalbay madaxda beesha qaarkood inaysan isu soo sharrixin jagooyinkii ay hayeen doorashada soo socota ee sanadka dambe.

Odayaasha Beesha Garre, Garre Council of Elders ayaa ka dalbay Senetarka Mandheera, Bilow Kerow iyo Gobernatooraha Mandheera Cali Roba inaysan xilalkaa isu soo taagin si shakhsiyaad kale loo doorto oo fursad loo siiyo markaan.

Bilow Kerow ayaa asagu soo jeedintaa yeelay halka Cali Roba uu ku gacan seyray taladaa. Cali Roba wuxuu sheegay in doorashada ay shacabku soo dooran doonaan oo qura un uu ku qanci doono.

Wuxuu sheegay hadii lagaga adkaado inuu ka hari doono isreebreebka balse uu weli isasoo sharrixi doono doorashada soo socota ee guud ee Kenya.

Beesha Garre ayaa kuraasta Mandheera intooda badan qaadatay doorashadii hore ee lasoo dhaafay ee guud kadib markii si aad ah murashaxiintii u loolamaysay loogu codeeyay.

Bilow Kerow ayaa ah ruug caddaa siyaasadeed hase ahaatee Cali Roba doorashadii lasoo dhaafay ayumbaa aad loo bartay markii kursiga Gobernatoorenimada uu ku guuleystay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]