4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
SIILAANYO: Waxaan soo jeedinayaa in si Dhaqso ah Talo Qaran looga Qaato Dhibaatada Tahriibka


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Musiibadii ka dhacday Badda Mediterranean-ka ee ay ku Geeriyoodeen 200 oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah, ayaa waxaa si weyn looga Dareemay Gobollada Somaliland, kuwaasoo la sheegay inay kasoo jeedeen badankood Somaliland.

Hooyooyin badan iyo ehellada dadka baddaas ku geeriyooday, ayaa ku jiray murugo aad u Xanuun badan, kaddib markii lagu soo War-geliyey Geerida Carruurtoodii ay Jeclaayeen, Waxaana hadalka ugu badan ee illaa shalay ahayd Geeridda boqollaalka Dhallinyaro ee ku halaagmay badda badda Mediterranean-ka.

Inta la ogyahay dhallinyarada u badan ee Doontaasi ku Halaagsamay, ayaa la sheegay inay u badnaayeen dhalinyaro ka soo jeedda gobolka Togdheer iyo Hargeysa, kuwaas oo baraha internetka la soo dhigay sawiradooddii iyo magacyadoodii.

Madaxwaynaha Somaliland, Siilaanyo ayaa Dhambaal tacsiya u diray ehellada Dhallintaas ku halaagmay doontaas, isagoo ku tilmaamay masiibo Qaran.

War-saxaafadeed kasoo baxay maanta xafiiska madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxaa lagu yiri. "Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo - isagoo magaciisa iyo kan shacabka Somaliland ku hadlaya, wuxuu shacabka uga tacsiyeynayaa musiibadii badda u dhaxaysay dalalka Masar iyo Giriiga ka dhacday, taasoo la sheegay inay ku Naf-waayeen dad tiro badan oo boqollaal ah. Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay musiibadaas mid ku timid qadarka Alle oo aan marnaba la oolin kareen, wuxuuna Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan Qoysaskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku dhinteen shilkaas, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa Somaliland ee uu xilka Gaarka ahi ka saaran yahay."

Isagoo intaa ku daray. "Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in la dedejin doono talo Qaran oo laga yeesho dhibaatada Tahriibka, isagoo ku Tilmaamay dhallinyaradaas Aayihii Dalka ee laga Dhursugayay in Berri ay talada qabtaan, ilaalintooda iyo bed-qabkooduna uu yahay waajib saaran kolba inta waaweyn ee masuulka ka ah iyaga iyo dalkaba.

Madaxweynuhu wuxuu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, Qoysaskii, ehelladii, Asxaabtii iyo Qaraabadii ay ka baxeenna Samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo."

Ugu dambeyn, Waqtigii Xisbiga talada haya ee KULMIYE uu ololaha Doorashada ku jiray Sannadkii 2010-kii, waxyaalaha ugu badan ee uu oran jiray wax-baan ka qabanayaa waxay ahayd Tahriibka, iyadoo xilligaa ay hal-hays u ahayd [Ha tahriibina UDUB way Tagaysaa], Taasoo lagu xardhi jiray Boorar waa-weyn, balse lix Sanno kaddib, madaxweyne Siilaanyo illaa hadda waxba kama qaban arrinta tahriibka, isla markaana ma jirto siyaasad cad oo loo sameeyey dhallinta Tahriibaya ee shaqo la’aanta & Walwalku saameeyay Mustaqbalkooda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland