4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
Kulan Mar kale Dhax-maray Duubabka Dhaqan Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil ka Socday QM


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Kulankan oo ahaan mid xasaasi ah, ayaa maanta mar kale dhex-maray Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ee kasoo horjeeda shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Saraakiil ka tirsan QM.

Kulanka oo ka dhacay xarunta QM ay ku leedahay duleedka magaalada Beledweyne, ayay labada dhinac uga wada-hadlleen qodob dhowr ah oo dhamnaatood la xiriira sidii xal loogu heli lahaa jah-wareerka siyaasadeed ee ka taagan dhismaha maamulka labada gobol.

Ugaasyada Kulanka Maanta ka qayb-galay ayaa waxay kala ahaayeen; Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, Ugaas Cali Ugaas Xasan Ugaas Raage, Ugaas Cali Ugaas Muxumed Ugaas Shafeec iyo Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi Ugaas Cumar oo dhammaantood ku sugan Magaalada Beledweyne.

Saraakiisha QM oo isku dayay inay isku soo dhaweeyaan dowladda federaalka Somalia iyo duubabka dhaqanka ka biyo diidan ka qeyb-galka shirka Jowhar, ayaa soo jeediyay tallo ay u arkayaan in looga gudbi karo is-mari-waaga taagan.

Xubnaha QM ee kulanka ka qeyb-galay, ayaa u soo jeediyay duubabka-dhaqanka in Shirka Jowhar loo kala qaado labo waji oo kala ah; In Wajiga Koowaad ee soo Xulista ergooyinka iyo dhismaha baarlamaanka lagu qabto degmada Jowhar, halka wajiga 2-aad ee doorashada madaxweynaha shirka loosoo wareejinayo Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan,

Saraakiisha UN-ka ayaa u arkaya Qorshahan cusub mid ugu yaraan isku soo dhaweyn kara dowladda federaalka iyo duubabka Gobolka Hiiraan ee ka biyo diidan ka qeyb-galka shirka Jowhar oo wali ku adkeysanaya in marka hore Dowladdu fuliso Qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: In shirka gabi ahaanba loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararku, waxay intaas ku darrayaan in dood dheer iyo Falan-qeyn kaddib, saraakiisha QM sheegeen in go'aanka ugu dambeeya ay leeyihiin Bulshada ku nool Gobolka Hiiraan, Balse dhinacooda ay u arkaan xalka ugu dhaw inay Aq-balaan Ugaasyada in Shirka labo waji loo qeybiyo.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa la sheegayaa in illaa hadda aan weli la isku af-garan Qodobbadii laga hadlay, iyadoo mar kalana dib loo balamay in arintan leysugu soo laabto.

Dhanka kale, Magaalada Beledweyne waxaa ka socda shirweyne dib-u-hishisiin ah oo ay u yihiin hormuud duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan, oo horay u sheegay in marka maamul la dhisayo loo baahan yahay in laga heshiisiiyo khilaafyadii horay u dhacay.

Ugu dambeyn, Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Somalia iyo duubabka gobolka Hiiraan ee kasoo hor-jeeda Shirka Jowhar, ayaa waxaa muuqata inay hadda si toos ah u soo fara-geli-nayaan saraakiisha QM oo u arka ka maqnaasha shirka qaar ka mid ah duubabka dhaqanka ugu waa-weyn Gobolka Hiiraan caqabad soo food saari karta maamul kasta oo halkaa lagu soo dhiso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya