4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
Kooxo Hubeysan oo Muqdisho ku dilay laba Qof iyadoo mid ka mid ah kooxihii hubeysnaa la dilay


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa maanta laba qof oo la sheegay inuu midkood ka tirsanaa ilaalada Guddoomiyaha degmada Boondheere, iyadoo dilka kaddib uu iska-horimaad dhexmaray Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya iyo xoogaggii hubeysnaa ee dilalka geystay.

Dableyda ayaa waxay labada qof ku dileen degmada Boondheer ee Muqdisho, iyagoo isku dayay dilka kaddib inay baxsadaan, laakiin ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa eryaday, iyadoo ugu dambeyn uu iska-horimaad ku dhexmaray Suuq Labaad ee Muqdisho ugu weyn ee Suuq Bacaad.

Sidoo kale, Ciidamada Amniga Somalia, ayaa toogtay mid ka mid ah Kooxihii Weerarkaan fuliyay, Waxaana baxsaday laba ruux oo la socday, iyadoo uu goor-dambe Qarxay Gaarigii ay raggan hubeysan wateen.

Qaraxa gaarigan ayaa waxaa ku dhimatay haweeney, iyadoo dhimashada guud ka dhigaysa afar ruux oo ku jiro ruux ka mid ah Dableyda. Waxaana iska-horimaadkan ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia.

Sidoo kale, Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa amniga dowladda Somalia ayaa gaaray goobtii uu iska-horimaadka ka dhacay, iyagoo halkaas ka billaabay baaritaano ay ku baadi-goobayaan labadii ka tirsanaa dableyda ee baxsaday.

Dhanka kale, ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay Weerarkan, balse Weerarradaan  oo kale, ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab oo Dowladda Somalia iyo Ciidamada taageera ee AMISOM kula jirta dagaal.

Ugu dabmeyntii, Weerarka maanta ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu dilay shalay Muqdisho laba Haween ah, laba qof oo kalena lagu dhaawacay, iyadoo kooxihii weerarkan geystay ay baxsadeen, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya