4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
SAWIRRO: Guddi isku Taagay Xallinta Khilaafka Somalida K/Afrika oo Kulan ku Qabtay Pritoria

Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Kulan lagu gor-feeyay khilaafaadka Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, ayaa dhex-maray Guddi odayaal ah oo isku xil-saaray Xallinta khilaafaadka Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku nool iyo gudi ka kooban qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Pretoria.

Qodobada kulankan looga dooday ayaa waxaa ka mid ahaa; sidii loo mideyn lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed, isla markaana looga shaqeyn lahaa inay meel qura wax ku qaybsato, halka ay haatan ay leeyihiin ku Dhawaad laabatan urur.

Xubno ka tirsan bulshadii kasoo Qayb-galay kulankaan ee Metelayay qaubaha Jaaliyada Soomaaliyeed sida; ururrada, ganacsatada iyo dhallinyarada oo kulanka hadallo ka jeediyay, ayaa sheegay in sagaal qodob oo ay guddigu u soo gudbiyeen ay yihiin kuwo u baahan in wax laga qabto, ayna la shaqeenayaan cid kasta oo u is-taagta arrintaas xallinteeda.

Nabadoon C/llaahi Axmed Fiidow (Xabeeb) oo ah Gudoomiyaha Gudiga isku-xilsaaray xallinta khilaafaadka iyo aayo-ka-talinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo gaba-gabadii kulanka Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in kulankan ay kusoo dhaweeyeen qaybaha Jaaliyadda Pretoria, kaasoo ahaa mid ay uga tashanayeen sidii Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ay u Midoobi lahaayeen, ugana tanaasuli lahaayeen khilaafaadkii horay u soo maray.

Ugu dambeyntii, kulankaan oo daba-socday kulammo ay guddigani lasoo yeesheen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika qaybaha bulshada Magaalooyinka ay Soomaalida ka deggen tahay dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaa taageeray qodobadii looga hadlay, iyadoo lagu ballamay inay Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ay isugu timaado 13-ka ilaa 15-ka bisha May, 2016-ka shir ay kasoo qayb-galayaan illaa 150 ergo iyo mas'uuliyiin ka socota Koonfur Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]    
Hiiraan Online, Koonfur Afrika