3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Geerida Boqolaal Somali ah oo ay Dooni la Dagtay


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Dowladda Somalia, ayaa maanta ka hadashay Geerida ugu yaraan 200 oo Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ay dooni kula dagtay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka Ambabaxay dalka Masar kuna socday dalka Talyaaniga.

Tahriibayaashan Soomaliyeed ayaa waxay ka mid ahaayeen illaa 400 oo qof oo ay dooni ka qaaday xeebaha Waddanka Masar kuna socday  Talyaaniga, balse kula dagtay bartamaha Badweynta, halkaas oo ay intooda badan ku dhinteen.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay inuu qoysaska iyo ehellada dhallinyaradan Soomaaliyeed uu uga tacsiyeynayo geeridii ku timid

"Waxay dhallinyaradan ka baxeen Somali oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan," ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Warbixintiisa, isagoo intaas ku daray inuu shilkaan muujinayo baahida loo qabo in la kordhiyo wacyi-gelinta la xiriirta ka hor-taga tahriibka iyo safarrada khatarta ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale yiri. "Inkastoo Waddanka ay ka jiraan Duruufo adag, haddana loo baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed, Waaliddiinta iyo Dowladda Soomaaliya ay ka Wada-shaqeeyaan sidii loo hakin lahaa Safarradaan khatarta ah ee Dhalinyaradeenna ay ku dhammaanayaan, lagana shaqeeyo in fursado loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed."

Dhanka kale, Waxaa geerida 200 ee dhallinyarada Soomaaliyeed ah ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tacsi u diray ehellada dhallinyaradii naftooda ku waayay shilkaas, Allena uga baryay inuu Jannadiisa ka Waraabiyo.

"Guud ahaan Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyagoo aad uga Tiiraanyeysan 200 ee dhallinyarada ah ee ku geeriyooday badda Mediterranean-ka, kuwaas oo u badnaa dhallinyaro, waxay tacsi u dirayaan ehelladii iyo Soomaalida oo dhan, waxaana dhallinyaradan ay ka baxeen dalka Masar," ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Maxamad Cabdi Xayir [Maareeye].

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Somalia iyadoo la kaashaneysa Dalalka ay Arrintu khuseyso, ay baareyso sidii uu ku dhacay shilkan. Sidoo kale Safaaradaheenna Masar, Talyaaniga iyo Brussels ayaa ku hawlan soo ururinta Xogaha la Xiriira shilka iyadoo Bulshada Soomaaliyeed la wadaagi doonnaa wixii ka soo baxa baaritaannada socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/18/2016 11:58 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Musiibadii ka dhacday Badda Mediterranean-ka ee ay ku Geeriyoodeen 200 oo Tahriibayaal Soomaaliyeed ah, ayaa waxaa si weyn looga Dareemay Gobollada Somaliland, kuwaasoo la sheegay inay kasoo jeedeen badankood Somaliland.

4/18/2016 11:17 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Wafdi ka socda Dowladda Hoose ee Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga iyo guddomiyaha gobolka Banaadir, ayaa maanta kormeer qiimeyn ah ku tagay Waddada Soddonka ee Muqdisho oo ka mid ah Waddooyinkii ku burburay colaadihii dalka ka dhacay.

4/18/2016 11:07 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Kulankan oo ahaan mid xasaasi ah, ayaa maanta mar kale dhex-maray Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ee kasoo horjeeda shirka Jowhar ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo Saraakiil ka tirsan QM.

4/18/2016 10:17 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa maanta laba qof oo la sheegay inuu midkood ka tirsanaa ilaalada Guddoomiyaha degmada Boondheere, iyadoo dilka kaddib uu iska-horimaad dhexmaray Ciidamada Amaanka Dowladda Soomaaliya iyo xoogaggii hubeysnaa ee dilalka geystay.

4/18/2016 8:47 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) - Fadhiga baarlamaanka soomaaliya ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaaladda muqdisho ,waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 144 mudane waxa uu furmay 11:00 AM barqo-nimo .

4/18/2016 8:47 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Kulan lagu gor-feeyay khilaafaadka Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, ayaa dhex-maray Guddi odayaal ah oo isku xil-saaray Xallinta khilaafaadka Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku nool iyo gudi ka kooban qaybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Pretoria.

4/18/2016 6:40 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) - Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo hub saarnaa gaarigaasi, kadib howlgalo ciidamadu ay ka sameeyeen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

4/18/2016 4:50 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) —Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo ku qabtay maanta shir jara'aid guriga martida ee degmada Kismaayo ayaa tacsi u diray ehellada dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay badda u dhexeeysa Talyaaniga iyo Masar, isagoo Eebbe uga rajeeyay in uu naxariistiisa siiyo dhammaan dadkii ku dhintay.

4/18/2016 4:17 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL)-Hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Kenya ee CORD, Mr. Raila Odinga oo horeyna raisul wasaare uga ahaa Kenya ayaa sheegay in kiiskii Kenya ee dhawaan maxkamada ICC ay daaqada ka saartay arintaasi ay ula macno tahay halaag qaarada Afrika.

4/18/2016 3:00 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Mucaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa maanta la filayaa inuu ka dago magaalada Juba ee xarunta South Sudan, halkaasoo uu ka maqnaa labadii sano ee lasoo dhaafay, kaddib markii dagaal sokeeye uu dalkaas ka dillaacay.

4/18/2016 1:52 AM EST
Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Warar laga helayo dalka Masar, ayaa sheegaya in doon ay la socdeen in ka badan 400-qof oo tahriibayaal ah oo tagtay dalka Masar ay ku dagtay Badda Mediterranean-ka, waxaana la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo dhallinyaro Soomaliyeed.