4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku naf-waayay Doon ay ku Tahriibayeen oo la Quustay


Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Warar laga helayo dalka Masar, ayaa sheegaya in doon ay la socdeen in ka badan 400-qof oo tahriibayaal ah oo tagtay dalka Masar ay ku dagtay Badda Mediterranean-ka, waxaana la  sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 200 oo dhallinyaro Soomaliyeed.

Safaaradda Somalia ee Masar ayaa Xaqiijisay in doontu degtay, lakaiin ma aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ku dhintay shilkaan iyo tirada ay Soomaalidu ka yihiin. Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay ku socdeen Dalka Talyaaniga.

Turjubaan Somali ah oo ku sugan dalka Giriiga oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 41-tahriibe oo Somali ah la badbaadiyay, maanta la billaabay in la raadiyo maydadka.

Baraha ay Bulshadu ku Xiriirto, ayaa lagu baahiyay Sawirrada dhallinyaro la sheegay inay ka mid ahaayeen kuwii ay doonidan la dagtay, kuwaasoo aan la ogeyn illaa hadda inay dhinteen iyo inay nool yihiin.

Sidoo kale, Faadumo Cabdi Diiriye oo ay ehel ahaayeen dhibbanayaasha ay la dagtay doonida qaarkood ayaa sheegtay in saddex wiil oo ay qaraabo yihiin la xaqiijiyay inay dhinteen, kuwaasoo ay sheegtay inay kuwada Qaahira ku wada noolaayeen.

"Runtii waa arrin xanuun badan, waanan uga digay wiilasha inay dooni badda ka raacaan... balse waa la wada og-yahay in qof badda taagan oo doontii uu raaci lahaa u jeeda, kana yimid Soomaaliya aan la celin karin," ayay Faadumo u sheegtay BBC-da.

Ugu dambeyn, Inkastoo laga baqdin qabo in Somali badan ay ku dhinteen shilkan, ayaa haddana wuxuu ksoo beegmayaa iyadoo ay maanta sanad laga joogo markii 800 oo qof oo Tahriibayaal ah ay mar qura ku dhintay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya