Arbaco, September 07, 2016 (HOL) —
Kooxo Hubeysan, ayaa Magaalada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ku dilay laba
nabaddoon oo lagu kala magacaabi jiray, Fanax Aadan iyo sidoo kale Maxamed
Barre Diini, waxayna sidoo kalena dableydani dhaawaceen sagaal qof oo ay ku
jiraan saddex dumar ah iyo laba naddoon oo kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdan hubeysan ay toogasho ku dileen labada nabaddoon oo ku sugnaa goob maqaahi ah, markaas kaddibna ay rasaas ku fureen dad shacab ahaa oo goobta ka dhawaan kuwaasoo sagaal ka mid ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Sidoo kale, Wararka ayaa intaa ku daraya, in Dableydan Dilka geystay ay Degmada Dibadda uga baxeen, iyadoo la sheegayo in dilka nabaddoonnada uu salka ku hayo aanooyin beeleed.
Ugu dambeyn, Xaaladda Degmada Caabud-waaq - ayaa lasoo sheegayaa in ay tahay Caawa mid kacsan oo laga dareemayo xiisado, iyadoo aysan Maamulka Degmadaas weli ka hadlin falkaan ay kooxaha Hubeysani ku dileen nabaddoonnada, dadka kalena ay ku dhaawaceen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya