Arbaco, September 07, 2016 (HOL) —
Qaadkii kasoo dagi jiray Garoommada Diyaaradaha Gaalkacyo iyo Qardho ee
Puntland ayaa imaan Maanta kadib markii labo maalmood ka hor ay DF Soomaaliya
ay joojisay.
Kabarada qaadka lagu iibiyo ayaa maanta marna maadama uusan jirn qaad ka so dagay Garoomada Puntland,inkastoo meelaha qaarkood la arkayay iyadoo lagu gadyo qaad dhinaca lugta ah loga so galiyay Magaalada Laascanood ee Gobalka Sool.
Puntland ayaa horay uga so horjeedsad-tay go,aanka DFS ku dhawaaqdey inay ku joojisay Qaadkii Dalka kenya uga imaan jiray Soomaaliya,taaso ay ku sheegtay in aanan lagala tashan
Sidoo kale, Go;aanka Qaadka ay ku joojisay Dowladda Somalia waxaa horay uga so horjeedsaday Soomaaliland oo iyadu maanta qaad-ku uu si rasmi ah uga dagay.
Dhinaca kale,Guud ahaan soomaaliya Maanta lagama so dajin wax qaad ah marka laga reebo degmada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool oo ay gacanta ku hayso Soomaaliland.
Ugu dambeyn, Go’aanka qaadka loga joojiyay Somlia oo kasoo baxay DF Somalia ayaa lo Sababeeyay booqashadii Peter Munya uu Hargeysa ku tagay bishii July ee sannadkan,taaso lagu mecneeyay in faragalin u ku sameeyay jirtaanka iyo sooh-dimaha so jireenka ah ee Soomaaliya.
Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
Email: [email protected]
Gaalkacyo, Puntland-Soomaaliya