4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2016
Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay dagaallada Al-shabaab lagula jiro iyo Qoxootiga Dhadhaab
Jimco, September 30, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Wargeyska Newsweek, ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo Qoxootiga ku nool Xeryaha Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Xasan Sheekh, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo Xusay in ay ka saareen 75% Dhulkii ay Al-shabaab ka talin jiray, haatana ay qaybta kale kula dagaalamayaan.

“Al-shabaab ahaatan waxay ka talisaa dhul gaaraya 10%, Haatanna Waxaa naga go’an in aan ka saarno deegaannada ay haystaan,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri wareysigiisa.

Sidoo kale, Wuxuu Xusay in Sannadihii u Dambeeyay ay Al-shabaab billowday Weerarro Cusub oo u badan qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo kale oo gaadmo ah, taasoo uu xusay inay muujinayso inay ku guul-darreysteen weerarradii tooska ahaa.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd; Waa maxay waxaad u baahan tihiin si aad u cirib-tartaan Al-shabaab, wuxuuna ku jawaabay inay haatan guulo waaweyn gaareen, balse ay caalamka uga baaqayaan inay ka caawiso Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM si ay u sii wadaan hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab;

Waxaa kaloo Xasan Sheekh la weydiiyay su’aal ahayd; Ma ku raacsan tahay Kenya Go’aankeeda ah in ay Xirayso Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab iyo in Qoxootiga Soomaaliyeed ku Nool Somalia Dib loogu celiyo? Wuxuuna kaga jawaabay.

“Waan uga mahad-celinaynaa xukuumadda iyo shacabka Kenya sidii ay u soo dhaweeyeen Soomaalidii ka cararay Colaadihii Sokeeye ee dalka ka dhacay, ayna ka Caawiyeen wixii ay u baahnaayeen oo dhan waana og-nahay culeyska ay keeni karto marti-gelinta qoxootigaas faraha badan.”

Isagoo intaas ku daray. “Inkastoo weli ay Somalia weli Caqabado ka jiraan, Haddana waqtigaan waxaa loo baahan yahay in Qoxootigu Dhadhaab ku nool ay Dalkooda kusoo laabtaan, ayna ka Qayb-qaataan dib u dhiska dalkooda. Balse waxaan u baahannahay in dib u celinta qoxootiga ay noqoto mid si tartiib-tartiib ah u hir-gasho. Waxaana Kenya mar kale uga mahad-celinayaa gacantii ay dadka Soomaaliyeed siiyeen muddadii ay qoxootiga ku ahaayeen dalkooda, taasina waxay keenaysaa in Kenya ay baal-dahab ah ka gasaho taariikhda Somalia.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xaan oo ka mid ah Murashaxiinta doonaya in ay u Tartamaan Sannadkan Xilka Madaxweynaha Somalia, ayaa sheegay in Dowladdiisu intii ay jirtay ay horumarro fara badan ku tallaabsatay, balse ma sheegin waxyaabihii aan u qabsoomin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya