4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2016
Kulammo Siyaasadeed oo ka Socda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan: WARBIXIN
Jimco, September 30, 2016 (HOL) — Iyadoo dhawaan lagu wado in la gudo-galo soo xulista xubnaha Aqalka Sare iyo iyo kan hoose ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa Beledweyne waxaa ka socda Shirar iyo kulammo hoosaadyo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan.

Duubabka dhaqanka oo uu horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa dhawaan ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay soo xulaan 51-ka xubnood ee sdda ku cad hishiiskii madasha-wadda-tashiga beel walba u soo dooran laheyd xildhibaanka ku matala  baarlamaanka cusub federaalka.

Baaq duubabka dhaqanka, ayaa dhinaca kale marka la eego imaanaya xili dhawaan guddiga doorashada heer federaal ku dhawaaqeen in xildhibaanada baarlamaanka federaalka uga mid noqonaya  gobolkada Hiiraan & Sh. Dhexe lagu soo xulayo magaalada Muqdisho.

Laakiin Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa arintaa ku gacan-seyray, isaga oo sheegay in shaqada guddiga doorashad tahay oo kaliya soo jeedin, balse fulinta howshan looga fadhiyo Dowladda Somalia, waxaana muuqata in ra'iisal wasaare Sharma'arke arintan ku raacay Ugaaska kaddib markii uu soo saaray qoraal uu uga digayo guddiga doorashada inay fara-galiyaan go'aamadii lagu gaaray madasha-wadda-tashiga ee ahaa in beellaha deegaanadooda ku soo xushaan xildhibaannada labada aqal.

Kulammadaan ka socda magaalada Beledweyne ayaa intooda badan ku saleysan qeysiga iyo soo xulista ergada 51-da xubnood ee beel walba u soo dooran laheyd xildhibaankeeda, waxaana la filayaa in liiska oo dhameystiran muddo shan cisho ah beeluhu u gudbiyaan duubabka dhaqanka gobolka.

Dhinaca kale, waxaa meesha ka marneyn munaasabadaha kala gadisan oo ay dhiganayaan shaqsiyaad u taagan ka mid noqoshada Baarlamaanka Cusub, kuwaas oo cod iyo taageero Weydiisanaya Beelaha ay kasoo jeedaan.

Maalmaha nagu soo foolka leh ayaa siddoo kale lagu wadaa inay magaalada soo gaaraan musharixiin u taagan ka mid noqoshada baarlamaanka cusub kuwaasoo magaalada ka bilaabaya olalahooda Doorasho, madaama laga yaabo in Kursiga Xildhibaanka beel walba ay ku Sharraxan yihiin Tiro labo xubnood ka badan .

Dhanka kale, Haweenka ayaa si weyn uga dhax muuqanaya musharraxiinta ku jirra olalaha doorasho ee qabashada xilalka Baarlamaanka, Madaama la sheegay in 30% Haweenku ku yeelan doonaan kuraasta baarlamaanka cusub.

Ugu dambeyntii, Guud ahaan marka la eego Dhaq-dhaqaaqyada Siyaasadeed iyo kulamo hoose oo uga soda Beledweyne, odayaasha-dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka, Waxaa kuusoo baxaya muuqaal u eg in beelaha intooda badan isku raacsan yihiin in xubnaha xildhibaannadooda ku soo xushaan magaalada Beledweyne, inkastoo go'aankii guddiga doorashada wali halkiisii yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlin
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya