4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2016
Qoyska askariga KDF ee Al-shabaab heysato oo fidiyowga ka gartay

 

Jimco, Sitember 30, 2016 (HOL)-Qoyska askariga oo maalmo ka hor ka soo muuqday fiidiyow Al-Shabaab soo daayeen ayaa durba fiidiyowgaa ka gartay.

“Haa, waa asaga!Kaasi waa asaga,” ayay tiri hooyadii markii ay aragtay fiidiyowga. Weyna doorsoontay markii ay aragtay muuqaalka wiilkeeda laga duubay.

Christine Nzilani Kiiyo ayaa wiilkeeda Leonard Maingi inuu yahay xaqiijisay dawlada Kenyana ka codsatay inay gorgortan iyo wixii karaankeeda ah samayso si wiilkeeda loo soo sii daayo.

“Waxaan dawlada ka codsanayaa inay sameyso wax kasta oo ay awoodo si loo badbaadsho wiilkeyga,” ayay tiri hooyadiis.

Xrakada Al-shabaab ayaa soo saartay muuqaalka fiidiyowga ah maalmo ka hor kaasoo uu ka soo muuqday askariga ay KDF uga qabsadeen xeradii Ceel Cadde, Gedo, Soomaaliya.

Askarigaa KDF ayaa ka codsaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in lasoo sii daayo inuu ka shaqeeyo.

Wuxuu ninkaasi ka codsaday Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya ayna kala xaajooto Al-Shabaab sidii asaga loo sii deyn lahaa.

"Farriintaydu waxay kugu socotaa adiga Madaxweyne  Uhuru Muigai Kenyatta..amarkaaga ayaan qaadanaa. Waxaanu isku daynay inaan dagaalno laakiin waa nalaka adkaaday hubkiina waa nalaka qaatay".  Ayuu yiri.

'Madaxweyne, waqtigaan waxaa laga yaabaa inuu yahay fursadii ugu dambeysay oo aan kaa codsanaayo adoo ah taliyahayga..Fadlan, waan ku baryayaa Mr Madaxweyne'. Intaana wuu yiri.

Wuxuu sheegay inuu ahaa dhaqtar ka tirsanaa qeybta caafimaadka uuna ciidamada KDF ee Soomaaliya jooga ku biiray 1dii Janaayo ee sanadkaan, waa labo asbuuc un ka hor intii Al-Shabaab aysan xeraadaa qabsan.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]