Sucuudiga oo Mareykanka uga digay cawaaqib xumo ka dhalata Weerarkii dhacay 11-kii Sep, 2001-dii
Jimco,
September 30, 2016 (HOL) — Dowladda Sucuudiga, ayaa uga Digtay Congress-ka Mareykanka inuu u ogolaado ehellada Dadkii ku dhintay Weerarkii 11-kii
September, 2001-dii ka dhacay New York in tallaabo sharci ah ay qaadaan, taasoo
ka dhan ah Sucuudiga.
Xukuumadda
Riyaad ayaa sheegtay in la doonayo in tallaabadan lagu suuro-geliyo diidmada ay
Congress-ku diideen Codkii diidmada-qayaxan ee uu u soo gudbiyay Madaxweyne Barack
Obama.
Sidoo
kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa intaas ku daray inay tallaabadaas yeelan
doonto saameyn xun oo dhanka siyaasadda ah.
Madaxweynaha
Mareykanka Obama ayaa dhowr jeer ka digay in arrintan ay halis gelinayso ciidamada
iyo Saraakiisha Mareykanka ah ee ka hawl-galaya dalka dibaddiisa, kuwaasoo uu
sheegay in ay wajihi karaan dacwad.
Afhayeen
u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka, Josh Earnest ayaa sheegay in Xildhibaannada
Congress-ka, aysan fahmin Cawaaqibka Arrintaan ka dhalan kara.
Dhanka
kale, Hogggaamiyaha Aqlabiyadda ee Aqalka sare ee Mareykanka, Mitch McConnell
ayaa sheegay inaysan jirin cid dhab ahaantii diiradda saartay dhibaatada dhanka
xiriirka caalamiga ah ee arrinta ka dhalan karto.
McConnell
ayaa ka mid ah xildhibaanada ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo u codeeyay
sharcigan, balse hadda rumeysan in sharciga uu u baahan yahay in wax weyn laga
beddelo.
Ugu
dambeyn, mudanahan ayaa sheegay inay doonayaan in ay sharcigaas ku koobaan arrinta
ku saabsan weerarkaas, si ay u yareeyaan saameynta ay Arrintaan ku yeelan karto
shacabka Mareyakanka ee dibadda ku nool.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya