4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 30, 2016
Abaar iyo biyo la'aan ka jirta qeybo ka tirsan gobolka Togdheer

Jimco, Sitember 30, 2016 (HOL)-Qeybo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa waxaa wali ka jira abaar iyo biyo yari.

Biyo yarida gobolkaa ka jirtaa ayaa halis ku ah dadka iyo duunyadaba ayadoo haatan dadka iyo duunyadaba ay geeri qarka u saaran yihiin.

Sanadkaan horrraantiisii iyo xataa laga soo bilaabo sanadkii hore ayaa waxaa qeybo badan oo gobolka ah ka dhacay abaaro ba'an.

Haatan ayaa waxaa le'enaya xoolaha sida dad masuuliyiin ah ay warbaahinta u sheegeen. Biyaha ayaa yar oo gawaari meelo fog fog looga keenaa waana qaali iminka.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa roobabku ku yaraayeen gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag iyo weliba qeybo badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]