Dadka dhaawacyadu soo gaaray oo la gaarsiiyay isbitaalka degmada Jowhar ayaa la sheegay inay ku jiraan ilmo yar iyo haweeney.
Sidoo kale, Wararku waxay Sheegayaan in Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Sh/dhexe ayaa gaareen xaafadda uu dagaalka ka dhacay.
Ugu danbeyn, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jowhar iyo ciidamada ammaanka oo ku saabsan iska horimaadka dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected] Beledweyne, Soomaaliya