Jimco, September 23, 2016 (HOL) —
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Shabeellada dhexe, ayaa
sheegaya in iska-horimaad dhax-maray ciidammo kawada tirsan dowladda Somalia ay ku dhinteen Labo Askari, waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah.Dad ku sugan Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in iska-horimaadka oo ka dhacay xaafada Kulmis uu ka dhashay kaddib markii ciidan boolis ah oo ku raad joogay rag Muqaadaraadka ka Ganacsada kala shaki uu soo kala Dhax-galay Askar kale oo ka Tirsanaa isla ciidammada Dowladda Federaalka Somalia, taasoo keentay is rasaaseyn labada dhinac dhaxmarta.
Dadka dhaawacyadu soo gaaray oo la gaarsiiyay isbitaalka degmada Jowhar ayaa la sheegay inay ku jiraan ilmo yar iyo haweeney.
Sidoo kale, Wararku waxay Sheegayaan in Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Sh/dhexe ayaa gaareen xaafadda uu dagaalka ka dhacay.
Ugu danbeyn, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jowhar iyo ciidamada ammaanka oo ku saabsan iska horimaadka dhacay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya