4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2016
Kulan hordhac u ah shir Berri furmaya oo Khaatumo uga billowday Degmada Balli-cad ee Gobolka Sool
Jimco, September 23, 2016 (HOL) — Deegaanka Balli-Cad ee Gobolka Sool ayaa waxaa ku Sugan intii badnayd ee maamulka Khaatumo oo uu ugu horreeyo Madaxwayne Cali Khaliif Galaydh, halkaas uu ka furmay shalay si hordhac ah shir la iclaamiyay Sabtida berri ahna si buuxda u furmi doona sida uu noo xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Khaatumo, Abshir C/casiis.

Wasiirku wuxuu raaciyyay in shirkaan loogu yeedhi doono qaybaha kala duwan ee bulshada sida; Madax-dhaqameedka, Cuqaasha, Culumada, Qurba-joog iyo Aqoon-yahannada Khaatumo oo halkaasi lagu gaadhi doono wadatashi u dhaxeeya, laguna saari doono wax kasta oo madmadaw ah oo bulshada iyo maamulka soo kala dhex galay ayna intii badnayd ay soo gaadheen shirka qaybaha kalana ilaa bari la filayo.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta maamulka   Axmed X. Cali C/llaahi oo ku sugan Bali-cad ayaa xaqiijiyay in Prof. Galaydh uu xilka ka qaaday laba ka mid ah Golihiisa Wasiirrada sida; Wasiirka Arimaha Gudaha, Axmed Maxamuud Dolaal iyo Wasiir-u-dowlaha Amniga, Faysal Maxamed Xasan Falaalug iagoo u cuskaday qaar ka mid ah qodobada dustuurka maamulkiisa.

Xil-ka-qaadistan, ayaa muran ka dhex aloostay maamulka iyo shacabka dirkaba iyadoo mudadii la soo dhaafay ay si han-jabayeen dadka taageerada u haya maamulka kadib wadahadaladii dhex maray maamulka iyo Somaliland, in kasta oo madaxwaynaha Khatumo iyo siyaasiyiinba ay ku sifeeyeen in ay tahay talaabooyin siyaasadeed uu maamulka u taala.

Dhinaca kale, waxaa 20-kii bishan lagu soo gabagabeeyay   deeganka Tuka-rag shir  uga socday Madax-dhaqameedka Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, kaasoo lagu lafa-gurayo Arrimo u dhaxeeya isimada deeganka iyo muranka soo kala dhex galay qaar ka mid ah iyadoo ay  sheegeen in mid kan la mid ah uu ka qabsoomi doono magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn 15-ka bisha soo socota, iyagoo soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkan ayaa mudooyinkii u danbeeya loo hanqal taagayay si wayna looga hadal hayaa deeganada gobolada SSC lamana saadalin karo midhadhalkiisa madaama ay bulshada qaarkood ku tilmaamayaan mid u af-duuban madaxwayne Galaydh.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail. [email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool