4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2016
JAWAARI: Doorashooyinka Koonfur-galbeed ka dhici doona si cadaalad ah ayay ku dhici doonaan
/images/2014/nov/10818734_10205344818289023_23075069_n.jpgJimco, September 23, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, ayaa ka hadlay Doorashooyinka Xildhibaannimada ee ka dhici doona Deegaannada Koonfur-galbeed ayaa sheegay inay ku dhici doonaan si hufan oo cadaalad ah.

Sidoo kale, Jawaari ayaa xusay in Doorashooyinkaas ay u dhici doonaan si Dimuqraadiyad ah, isla markaana aan lahayn nin jeclaysi iyo Fara-gelin. Isagoo Musharraxiinta u tartamaya kuraasta ugu baaqay in ay tagaan Baydhabo, isla markaana si Hufan ay Doorashooyinka
uga Qayb-galaan .

“Waxaan rabaa inaan u xaqiijiyo muwaadiniinta maamulka Koonfur-galbeed in doorashadan lagu maamuli doono si hufan, iyadoo aan cidna Tix-gelin gaar ah aan la siinayn, fara-gelina aysan jirin, loona madax-banneeyo kuraasta beelaha iska leh,” ayuu yiri Jawaari oo intaa ku daray in musharraxiinta oo dhan ay ay yimaadaan.

Ugu dambeyntii, Hadalka Jawaari ayaa wuxuu kusoo beegmaya iyadoo Dalka oo dhan ay ka socdaan Diyaar-garowga Xulista Xildhibannada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyadoo siyaasiyiin badan ay billaabeen raadinta ka mid noqoshada baarlamaanka soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya