Shirkadda Yahoo oo sheegtay in Dowladi ay ka Xaday Macluumaad Gaaraya 500 oo Milyan oo Ciwaan
Jimco, September 23, 2016 (HOL) —
Shirkada Yahoo ayaa sheegtay in burcada internet-ka ah oo "dawlad
taageero ka haysta" ay xadeen macluumaadka 500 milyan oo ciwaan, taas oo u
muuqata in ay tahay xatooyadii ugu baaxad waynayd ee la shaaciyo marka laga
hadlayo taariikhda xatooyada dhanka internet-ka.
Xatooyadaas, Waxaa ka mid ah Macluumaad badan oo shaqsiyaad leeyihiin oo ay ku jiraan magacyo, E-mail-lo iyo
waliba "Su'aalaha iyo jawaabaha ay shirkaddu ku xaqiijiyo in qofku uu
yahay midkii saxda ahaa ee lahaa email-ka."
Xatooyadaas waxay dhacday Sannadkii 2014-kii Laakiin hadda unbaa la shaaciyay. Waaxda Sir-doonka ee dalka
Maraykanka ee FBI ayaa sheegtay in ay baarayso sheegashadaas.
Dhanka kale, Yahoo waxay sheegtay in
waxyaabaha la xaday aysan ku jirin macluumaadka Kaararka Bangiyada Balse ay ku
kooban yihiin ciwaanno E-mail, maalmaha dhalashada, iyo furaha sirta ah ee lagu
galo e-mail-lada ama (password).
Shirkadu waxay xustay in Macluumaadkaas ay xadeen dad taageero ka haysta dawlad balse ma aysan sheegin
dawladda masuulka ka ah arrintaas.
Waxaa lagu baaqay in furaha
sirta ah la badalo
Warka Tilmaamaya in weerar
wayn lagu Qaaday Shirkadda wuxuu soo baxay markii Burcad magacooda ku sheegay
"Peace" ay u muuqdeen inay isku dayayeen inay macluumaadka
200 milyan oo ruux ah ay iibiyaan.
Khamiistii ayay shirkaddu
xaqiijisay in xatooyada loogaystay ay ka baaxad wayntahay sidii ay filayeen
markii hore. Yahoo macaamiisheeda oo dhan
waxay kula talisay in ay badalaan furahooda sirta ah haddii aysan sidaas
samaynin wixii ka dambeeyay 2014-kii.
10-kii xatooyo ee ugu cuslaa
dhacdadan ka hor
- MySpace accounts - 359
milyan
- LinkedIn accounts - 164 milyan
- Adobe accounts - 152 milyan
- Badoo accounts - 112 milyan
- VK accounts - 93 milyan
- Dropbox accounts - 68 milyan
- Tumblr accounts - 65 milyan
- iMesh accounts - 49 milyan
- Fling accounts - 40 milyan
- Last.fm accounts - 37 milyan
XIGASHO: haveibeenpwned.com
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya