4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 23, 2016
Abaaro iyo biyo la'aan saameeyay qeybo ka tirsan Jubaland

Jimco, Sitember 23, 2016 (HOL)-Qeybo ka tirsan Jubaland ayaa waxaa saameeyay abaaro iyo biyo la'aan ba'an.

Abaaro iyo biyo la'aan ba'an ayaa haatan ka jira deegaano hoostaga Beledxaawo iyo Geedweyne, gobolka Gedo. Maamulka Juba ayaa arinkaa xaqiijiyay.

Biyo la'aanta ka jirta deegaanadaa ayaa sababay in dad badan iyo xoolahoodu ay u hayaamaan degaanada hoos taga Baardheere sida Faafaxdhuun iyo ka shishe kuwaasoo isu jira boqolaal km.

Dadkii iyo duunyadii ay saameeyeen abaaraha iyo biyo la'aanta ayaa iminka waxaa lagu soo waramayaa inay geeri qarka usaaran yihiin gaar ahaan kuwa wali joogaa degaanada musiibooyinkaa dabiiciga ah ay saameeyeen.

Maamulka Jubaland ayaa qeylo dhaan u diray dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka si dadkaa gargaar baniaadminimo loola soo gaaro.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]