4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2016
Maxkamadda Hargeysa oo Xukunno kala duwan ku Riday Dad Laaluush Bixiyeen iyo kuwii Qaatay
Jimco, September 23, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa markii ugu horeysay xukuntay dad lagu eedeeyey inay laaluush bixiyeen iyo kuwii qaatay oo uu ku jiro mid ka mid ah garsoorayaaasha.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi jeex  Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa xukuno kala duwan ku riday kuwii laaluushka bixiyey, kii u kala qaaday iyo kuwii qaatay-ba, inkastoo garsoorihii lagu qabtay inuu laaluushka qaatay u baxsaday magaaladda Muqdisho.

“Maxkamadda waxay xukumaysa laaluush bixiye, laaluush qaata iyo laaluush u kala qaado, Maxamed Jaamac Baaruud ayey dambi ku heshay in laaluush uu u  kala qaaday dad dacwaddo maxkamadda ka taallay, laba sanno oo xukun ciqaabeed ah iyo kala badh lacagtii uu ka qaaday oo dhamayd sideed boqol iyo konton dolar oo uu isagu ku qaatay xidhiidhinta kii bixinayey iyo kii la siinayey, waxa kale oo maxkamaddu dambi ku heshay dadkii dhulkooda ku doonayey inay sifo laaluush ku qaataan oo bixinayey laaluushka oo kala ahaa  Jaamac Maxamuud Xuseen, Jaamac Yuusuf Cali oo ay sameeyeen in dhulkoodii afar kun oo dollar ku helaan waxay maxkamaddu ku xukuntay,maadaama oo woxoogii oo cadaan ah laaluush ku doonayaan, midkiiba hal sanno iyo lix bilood oo xadhig ah, iyo hal milyan oo ganaax ah, waxa kale oo maxkamaddu dambi ku heshay garsoorihii la doonayey inay xukun qarqoosh ku xukumaan oo ahaa garsoore hore Abokor Axmed Maxamed oo maqane ah oo markii uu ogaaday in xukunka la soo saarayo u baxsaday Muqdisho  mar kasta oo uu yimaado uun baa xukunkaasi u yaalayaa waxaana lagu xukumay afar sanno oo xadhig ah iyo hal milyan oo Somaliland Shiling, waxaana lagu helay inuu laaluush ku qaatay  saddex kun boqol iyo sodon doolar.”

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi jeex Dalmar ayaa sheegay in wax ka bedel weyn lagu sameeyey bahda garsoorka, waxaanu shacabka ka dalbaday in aanay sifo sharci daro ah ku doonan dacwadooddo, balse ay maraan sifaha sharcigu ogol yahay.

Waa markii ugu horeysay oo dad laaluush bixiyey iyo kuwa qaataba la xumo, waxaanay rajo uu tahay danyarta aan awoodin inay laaluush ku bixiyaan dacwadahooga u yaalla maxkamadaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland