4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Laamaha Amniga Jubaland oo sheegay in ay adkeeyeen amniga doorashooyinka dadban ee ka dhacaya Jubaland
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Laamaha Ammaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa shaaciyay in ay u diyaargaroobeen sugidda amniga doorashooyinka dadbadan ee lagu soo xulayo mudaneyaasha kamid noqon doona baarlamanka dalka ee ka soconaya magaalada Kismaayo.

Afhayeenka laamaha amniga Jubaland Axmed Maxamuud Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee amniga Jubaland ay sameeyeen diyaaragaroowgii ugu danbeeyay oo ku aadan sugidda amniga doorashada, isagoo xusay in ciidamada heegan culus la geliyay islamarkaana ay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ay ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.

Waxa uu sheegay in wadooyinka soo gala magaalada la dhigay ciidamo suga ammaanka, isagoo digniin u diray gaadiidleeyda ka dhex shaqeeysa Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee dalka in ay isticmaalaan wadooyin aan ahayn wadada dheer ee laamiga ah ee ka timaada Garoonka iyo wadada kale ee marta halka loo yaqaan Yaaq Sacmoojo, goobahaa oo la dhigay baro koontarool oo lagu baaro gaadiidka,  isagoo sheegay gaarigii magaalada kasoo gala wado aan ahayn labadaasi, la xareyn doono inta ay doorashooyinka ka dhamaanayaan.

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)  oo dhawaan warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha uga degsan arimaha doorashooyinka uu yahay dil iyo dagaal, isagoo digniin u diray odoyaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee soo xulaya baarlamanka.

Magaalada Kismaayo ayaa mudooyinkii u danbeeyay laga dareemayay ololaha doorashooyinka, iyadoo ay magaalada soo buuxdhaafiyeen musharixiinta dooneeysa kamid noqoshada baarlamanka, xildhibaanno hore xilalkaasi u hayay oo doonaya in ay markale qabtaan iyo odoyaal dhaqameedka beelaha, kuwaa oo dhammaantood ku mashquulsan arimaha soo xulitaanka mudaneyaasha baarlamanka dalka.

Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya dalka ayaa ka badalan sanadihii hore, ayadoo xildhibaan walba ay soo dooranayaan 51 kamid ah waxgaradka beesha uu matalo, kuwaa oo uu soo xulayo ugaaska ama nabadoonka ay beeshaasi leedahay, waxaana xusid mudan in 16 kamid ah 51-kaa qof laga doonayo in ay noqdaan haween.

Marka ay soo dhamaadaan doorashooyinka mudaneyaasha baarlamanka dalka ayaa lagu wadaa in dhamaadka bisha October la gudo galo doorashada hogaanka ugu sareeya ee dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.