4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Sh. Shariif Axmed oo soo gaaray Muqdisho iyo Waddooyinka Qaar oo laga xiray Taageerayaashiisa (SAWIRRO)
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray Muqdisho, iyadoo Waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga xiray taageerayaashiisa.

Dadweyne badan oo taageerayaashiisa ah ayaa lagu arkayay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska lambar afar ee Muqdisho, halkaasoo ay buuxiyeen, iyadoo waddada lagu xiray gaadiidka ciidanka booliiska Soomaaliya.

Sh. Shariif Sheekh Axmed, ayaa looga adkaaday doorashadii Sannadkii 2012-kii ee uu kusoo baxay madaxweynaha Somalia ee xilka haya Xasan Sh. Maxamuud, wuxuuna ahaa murashaxii ay isla galeen tartankii u dambeeyay.

Waxaa lagu wadaa in Sh. Shariif uu Muqdisho kaga dhawaaqo inuu murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ku biiro, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dabmeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa Muqdisho ugu dambeysay markii doorashadii sannadkii 2012-kii looga guuleystay, isagoo wixii xilligaa ka dambeeyay ku sugnaa dalka dibaddiisa, Waxaana imaashihiisa ay kusoo beegmayso iyadoo lagu wado in toddobaadka soo socda ay billowdaan xulista xildhibaannada cusub ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya