4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
WAR DEG-DEG AH: Kooxo hubeysan oo ganacsade goor dhaw ku toogtay Magaalada Beledweyne
http://www.baravanews.com/wp-content/uploads/2016/05/Baladweyne_Somalia_Gobolka_Hiiraan.jpgArbaco, September 21, 2016 (HOL) — Kooxo Hubeysan, ayaa Caawa ku toogtay Xaafadda Kooshin ee Magaalada Beledweye, gaar ahaan Laanta Raadeerka ganacsade lagu magacaabi jiray Daahir Mahad Alle.

Ragga toogashada ku dilay Ganacsadahaan, ayaa Sidoo kale dhaawacay Wiil uu dhalay oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka Beledweyne.

Illaa iyo hadda hadda lama oga  cidka ka dambeysay dilka ganacsadaha, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay.

Ugu dambeyn, Isbitaalka Guud ee degmada Beledweyne oo la geeyay maydka ganacsadaha la Toogtay, ayuu Agaasimaha Isbitaalka, Axmed Maxamed Khaliif Wuxuu sheegay in ay la Tacaalayaan Xaalada caafimaad wiilka dhaawaca soo gaaray oo ah mid fudud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya