4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
Madaxweyne Xasan oo ku baaqay in la Dhawro Hab-raaca Doorashooyinka Dalka ee 2016-ka
Arbaco, September 21, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay Maanta in la dhawro nidaamka Doorashada ee 2016-ka ee la filayo inay dhawaan Somalia ka dhacdo, gaar ahaan ilaalinta Xuquuqda musharraxiinta iyo weliba hawl-wadeenada doorashada.

“Waxaa lagu jiraa marxalad Taariikhi ah oo lagu go’aaminayo aayaha Siyaasadeed ee dalka muddo 47-sanno kaddib. Si fursaddaan ay u noqoto mid waxtar u leh dalka iyo dadka waxaa lagama maarmaan ah, in la dhowro Hab-raaca Doorashada ay Hoggaaminayaan Guddiyada Doorashooyinka ee Heer federal iyo heer maamul,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku celiyay inay Dowladda Federaalka Somalia, Maamul-goboleedyada iyo Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee heer Federal iyo heer Maamul-goboleed ay ka go’an tahay in la ilaaliyo Jadwalka Doorashooyinka; sidii lagu heshiiyay.

Bishan September 25-keeda, ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada Aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo 25-ka Bisha Oktoobar iyana la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa dhici doonta 30-ka Bisha Oktoobar ee Sannadkan.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuquuqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawl-wadeenada doorashada.

“Dhawrista Hab-raaca Doorashada waxaa sal u noqonaya in la Xurmeeyo Hannaan kasta oo sax ah oo Doorashada lagu suuro-gelinayo. Musharraxiinta Xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimuqraadiyadda iyo xorriyatul-qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa waxay na faraysaa in musharaxiinta ay noqdaan kuwo si hufan, wadaniyad leh u soo bandhigaan Barnaamijka siyaasadeed ee ay wataan, iyagoo qiimeynaya duruufaha dalku ku jiro iyo baahida loo qabo Dar-dar-gelinta dib u Heshiisiinta iyo Dib u soo celinta Kalsoonida Shacabka ka dhexeysa,’’ ayuu hadalkiisa ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda ku qabo Laamaha Amniga, hadana uu farayo in laamaha ay si buuxda u ilaaliyaan, isla markaana u dhawraan xuquuqda musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale wuxuu Hay’adaha DF Somalia iyo Maamul-goboleedyada faray inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashooyinka ay ku najixi lahayd.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya