4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
SAWIRRO: Wasiir ku xigeenka Beeraha DF oo ka qayb-galay Kulan looga hadlay Doorashooyinka

Arbaco, September 21, 2016 (HOL) — Wasiir ku xigeenka Beeraha XF Soomaaliya, C/casiis Carmaan ayaa ka Qayb-galay Maanta kulan ay Jaaliyadda Yemen ee ku Nool Muqdisho soo Qaban-qaabiyeen, kaasoo lagu Taageerayay Doorashooyinka la filayo inay Dalka ka dhacaan Sanandkan iyo sida Jaaliyadda Yemen uga doorkooda uga aaddan ka qayb-galka Siyaasadda.

Kulankaan looga hadlay Doorashooyinka Somalia, ayaa waxaa sidoo kale Goob-joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somalia, iyadoo dhammaan xubnihii kulankan ka hadlay ay Muujiyay sida ay ugu Faraxsan yihiin Dadaallada Dowladda Somalia ee ku aaddan horumarinta dalka.

Sidoo kale, Xubnihii hadlay ayaa ku Ammaanay Wasaaradda Beeraha XF Somalia sida ay uga qayb-qaadatay horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed iyo dadaalladii ay ku bixiyeen, iyagoo u Mahad-celiyay dadkii soo qaban-qaabiyay kulankan.

Ugu dambeyn, Waxaa kulanka soo xiray Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/casiis Carmaan oo sheegay in xilli xasaasi ah oo dalka doorasho uu galayo, ayna Taageersan yihiin Qorshayaasha lagu doonayo in Dalka ay doorasho uga dhacdo sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya