4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
Daawo Sawirradii ugu dambeeyay ee laga soo qaaday Deegaanka Moqokori oo ay la wareegeen Al-shabaab

Arbaco, September 21, 2016 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab, ayaa dhawaan la Wareegay gacan ku heynta deegaanka Moqokori oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaddib markii ay halkaa isaga bexeen ciidammada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Dadka ku sugan deegaanka Moqokori oo aan xiriir kala duwan la sameynay ayaa inoo sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab halkaa ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay dadku jecleysan, kaddib markii saacadihii ugu danbeeyay qab qabteen dad ay ku eedeynayaan in ay xiriir dhaw la lalahaayeen ciidammada halkaa isaga baxay.

Inkastoo aan la soo sheegeen wax yeello ay geysteen, ayaa haddanadhinaca kale waxaa jirta baqdin weyn oo ay dadku qabaan, gaar ahaan waxay ku danbeyn doonaan dadka la sheegay in ay u xirxiran yihiin Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya