4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 21, 2016
Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo billowday inay diiwaan-geliso Goobaha Ganacsiga (SAWIRRO)
Arbaco, September 21, 2016 (HOL) — Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa billowday qorshe lagu diiwaan-gelinayo Goobaha Ganacsi ee magaalada, iyadoo goobahaasi laga buuxinayo Waraaqo ay ku qoran tahay su’aalo.

Su’aalaha la weydiinaayo ganacsatada, isla markaana laga buuxinayo ayaa waxaa ka mid ah nooca ganacsi jumlo ama tafaariiq, xilliga la furay ganacsiga, shati ama ruqsada ganacsiga, in canshuurta laga qaado iyo in kale.

Qorshahan lagu diiwaan-gelinayo goobaha ganacsi ayaa ujeeddadiisu tahay inay Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ogaato goobaha ganacsi ee Dakhliga kasoo galo, kuwa aan haysan ruqsadaha ganacsiga iyo in goobaha ganacsi ay noqdaan kuwa u wada diiwaan-gashan Dowladda hoose ee Gaalkacyo.

Sidoo kale, Howshan ayaa waxaa fulinayay arday laga soo kala xulay jaamacadaha degmada Gaallkayo, kuwaasoo lagu tababarayey habka ya shaqadan u fulin karan. Xog-hayaha dowlada hoose ee Gaalkacyo, Dalmar Maxamed Cali ayaa hawshaan ay billaabatay saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa isagoo xusay in howshan ay ay tahay mid aan horay uga jirin Gaalkacyo, ayna hada bilaabeen waxaana fariin uu u diray xoghayuhu ganacsatada kale duwan ee Gaallkacyo in ay is-diiwaan-geliyaan si ay u noqdaan ganacsi sharciyeysan.

Ugu dambeyn, Waxaa kaloo uu xoghayaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo uga goddiiyay in ciiddii ka hortimaadda is-diiwaan-gelintan tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya